Wasiirka Qorshaynta oo ka hadlay Sababta ay xukuumaddu u qaaddacday shir lagu qabanayo Dalka Denmark oo Somaliland lagu marti-qaaday

Sacad Cali Shire
Sacad Cali Shire

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sababta ay Somaliland u qaaddacday ka-qayb-galka shir Copen-hagen ee dalka Denmark looguqabanayo Taageerada dhismaha Soomaaliya oo ay qabanqaabadiisa si wada-jira Isaga kaashanayaan Qaramada Midoobay iyo Madaxda Soomaaliya lagagana hadlayo dhismaha dawladda Soomaaliya, kaas oo Somaliland lagu marti-qaaday balse ay diidday.

Shirkaas ayaa lagaga hadlayaa horumarinta iyo ammaanka Soomaaliya, waxaana lagu casuumay gobollada Soomaaliya, waxaana dhawaan tagay magaalada Copen-hagen ee waddanka Denmark Safar arrintaa la xidhiidha ka warramay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr: Sacad Cali Shire oo maalmo ka hor ka soo laabtay socdaalkaas.

Wasiir Sacad waxa uu ka warbixiyey socdaal uu dhawaan ku tagay magaalada Copenhagen ee shirka lagu qabanayo, waxaanu sheegay in intii uu halkaasi ku sugnaa kulan la yeeshay Xoghayaha arrimaha horumarinta u qaabbilsan waddanka Denmark iyo sida oo kale ninka u qaabbilsan dhinaca Ammaanka, isla markaana waxa uu xusay inuu u bandhigay in ka Somaliland ahaan ay ka soo qaybgalaan Shirkaas. Wasiir Sacad oo maanta u warramay Horn Cable TV waxa uu yidhi; “Horta, Safarka aan ku tegay Copenhagen, waxa uu ahaa Safar kooban oo gaaban oo weliba maalin keliya ah intii aan halkaa joogay, waxaan arkay Xoghayaha horumarka u qaabbilsan.”

“Waxa kale oo aan la kulmay ninka u qaabbilsan dhinaca Ammaanka waddanka Denmark ka soo qaybgalka shirka bishan soo socota oo 17-keeda ka dhici doona Copenhagen, shirkaas oo ay qaban-qabinayaan dawladda Soomaaliya, iyaga oo la kaashanaya Qaramada Midoobay, gogoshana ay fidisay dawladda Denmark. Markaa, mawqifkeenna dhawr jeer ayaa aynu caddaynay oo shirkaasi maaha shir aynu ka qayb-galayno welibana dhawr jeer ayaa sidaas la yidhi.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta Somaliland Sacad Cali Shire.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku daray; “Sababta oo ah haddii aynaan si siman uga qaybgalayn illayn laba Waddan oo siman ayaa aynu nahaye, dabcanna waa ay soo hadal-qaadeen. Laakiin, waxaannu ku celinnay mawqifkeennii ahaa mar haddii Shirkaas uu u abaabulan yahay oo aan si siman ahayn. Markaa, ka qaybgeli mayno shirkaas dhawr jeerna waa lagu celiyey oo Mawqifkaasi runtii waaba uu cadyahay iyaguna way naga garawsadeen,”ayuu yidhi Wasiirku.

Xukuumadda Somaliland, ayaa marar hore ka hadashay ka qaybgalka Shirkan oo ay ku gacan-saydhay ama diidday, isla markaana ay dawladaha Denmark, Midawga Yurub iyo Qaramada Midoobay-ba ku maslaxeen inay Somaliland ka qaybgasho shirkaas, balse waxay Somaliland Madaxdeedu ka qaybgalka Shirkaas ku xidheen Shuruud ah in ay ka qaybgelayso oo keliya haddii si laba dhinac oo siman ah u wada tegayaan Somaliland iyo Soomaaliya, haddii aan taas la helinna aanay ka qaybgelaynin.

SOMALILANDPOST.NET