Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali Xasan oo Lagu soo dhaweeyay London+sawiro

London (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay madaarka Heathrow ee magaaladda London ee dalka Ingiriiska, halkaasi oo uu ku tagay socdaal iskugu jira mid shaqo iyo waxbarasho.

Wasiir Xirsi waxa madaarka kaga horyimid xubno tiro badan oo ka mid ah Jaaliyadda reer Somaliland ee UK oo uu horkacayay Wakiilka Somaliland ee Ingiriiska Cali Aadan Cawaale, Xildhibaa Mubaarig Bidhi oo ka mid ah xildhibaanada Golaha deegaanka Burco, odayaal, waxgar kale.

Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa u mahad celiyay jaaliyadda Somaliland ee Yurub ee kaga horyimid madaarka, waxaanu uga si kooban uga waramay ujeedada safarkiisu xambaarsan yahay.

“Ugu horayn Waxaan Imtixaan ka gelayaa Jaamacadda York St John University Ka dibna, waxa qorshahayagu yahay in Xubnaha Guddida dhismaha waddada Ceerigaabo ee loo qorsheeyey qaadhaan ururinta Qurbajoogga reer Somaliland ee Wadamada Europe aan kala qayb galo qaadhaan uruurinta Wadooyinka Dalka,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.
x

x1

x2

x3

x3[1]

x4

x5

x6

x7

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu ku booriyay qurbo-joogta inay mar kale kaalin weyn ka qaataan qorshaha horumarineed ee xukuumaddu awooda saartay sidii ay jidadka dalka u casriyayn lahayd.

Somalilandpost.net

Hargaysa