Wasiirka Madaxtooyada oo sharraxay halka ay marayso Dhismaha Jidka Ceerigaabo iyo Xaddiga Lacageed ee u soo xerooday

HARGEYSA (SLpost)- Guddiga Dhismaha Waddada Isku-xidha magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo, ayaa soo bandhigay halka ay marayso hawsha dhismaha jidka iyo xaddiga lacago qaadhaan ah oo laga ururiyey gudaha dalka iyo lacago ah ku deeqeen jaaliyadaha Somaliland ee waddamada Yurub iyo Maraykanka.
Guddoomiyaha Guddiga Dhismaha Waddada Ceerigaabo oo ah Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay weheliyaan xubno ka mid ah Guddiga Waddada Ceerigaabo oo maanta warbaahinta kula hadlay Xarunta Madaxtooyada oo lagu wareejiyey lacago ay ku yabooheen jaaliyadaha Somaliland ee Maraykanak, waxa uu faahfaahin ka bixiyey tirada lacago ay u hayaan dhismaha waddada Ceerigaabo iyo lacago kale oo loogu talo-galay horumarinta waddooyinka.
Guddoomiyaha Guddiga Dhismaha waddada Ceerigaabo Md Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay inay soo gaadhay wejiga labaad ee lacago ay ku yabooheen Qurbeejoogta Woqooyiga Ameerika, isaga lacagta guud ahaan soo gaadhay ku sheegay lacag ka badan Hal Milyan iyo Afar Boqol oo Dollar.
“Waxaan halkan ku hayaa liiska dadkii bixiyey Sagaa boqol iyo Sagaal iyo Sagaashan Kun oo Dollar oo waxay badankeedu ka timi UK, waana dufcaddii hore ee na soo gaadhay, maantana waxaan filaynaa inay na soo gaadho oo la soo shubay Afar Boqol iyo Lixdan (460 Kun Dollar) oo aanu filayno inay baanka taalo. Lacagtaas Milyan iyo dheeraad ah ayaa guud ahaan ka yimi lacagihii soo galay ee gudaha iyo dibaddaba laga soo diray ahaa.