Wasiirka Madaxtooyada oo Muddeeyey xilliga ay soo bandhigayaan Dhaqaalaha loo ururiyey iyo Qalabka lagu dhisayey Jidka Ceerigaabo

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali X. Xasan, ayaa shaaca ka qaaday inay todobaadka soo socda soo bandhigayaan xaddiga dakhliga ilaa wakhtigan u soo xerooday qaadhaanka iyo taakulada dhismaha waddamada Ceerigaabo, ka dib marka uu dalka u yimaaddo qalabkii lagu fulinayey hawsha dhismaha oo todobaadkan gudihiisa la rejaynayo.

XIRWasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali waxa uu sheegay inuu dhammaystiran yahay dhaqaalaha ilaa wakhtigan u soo hoyday dhismaha waddadaas, isla markaana aanay jirin lacag laga isticmaalay qaadhaanka loo ururiyey dhismaha jidkaas.

Md Xirsi Cali waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay booqasho ku marayey isaga iyo wefti uu hoggaaminayo dhismaha waddamada isku xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo xilligan maraysa tuulada Xamaas.

Wasiir Xirsi waxa uu sheegay inay sii wadi-doonaan hakaajinta burburka waddooyinka iyo hirgelinta lakabyo cusub oo la saaro waddamada laamiga ah ee isku xidha Berbera ilaa Laascaanood, isaga oo ugu faanay siyaasiyiinta mucaaradka ee wax-qabadkiisa dhaliila inuu tusi doono waddamada Ceerigaabo oo dhismaheedu u dhammaaday sida ay ugu hirgashay dayac-tirka iyo dhismaha waddada laamiga ah ee u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa.

Wasiirka oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Aad baan ugu faraxsanahay waddadii Berbera iyo Hargeysa isku xidhaysay oo Xamaas maraysa, si fiicana shaqadu u socoto tayadeedana la isku raacay oo aad u qurux badan. Bilawgeedu waqti dhow buu ahaa, runtii iyadoo dad badani ka dayrinayeen, laakiinse Ilaahay baanu ku mahadinaynaa inuu nagu guuleeyay, meel fiicanna way maraysaa waana wadaynaa ilaa Berbera, Ka dibna ilaa Sheekh inta waddadu ka googo’an tahay oo dhan waanu isku xidhaynaa. Waxaanan ku kalsoonahay in shaqadani iyadoo  sidaas ay tayada u leedahay u socota ay dhamaystiranto ilaa Sheekh inta loo qorsheeyay ee googo’an. Ka dibna, ilaa Laascaanood waxii laamiga googo’an ee u baahan wax ka qabasho in sidan oo kale loo galo.”

Wasiir Xirsi waxa shaaca ka qaaday inay todobaadkan rejaynayaan inay dalka keenaan qalabkii lagu fulinayey dhismaha jidka Ceerigaabo, waxaanu yidhi, “Waxaan sidoo kale noo soo socda oo aanu rajaynaynaa inuu wiigan noo yimaaddo qalabkii waddada Ceerigaabo. Dad badan oo samaha carabkoodu ku badnayna ama horumarka dalka aad iyo aad ugu soo jeedin ayaa laga yaabaa inay daacayad ka dhigtaan. Tanba waa tii shalay nala lahaa waxba samayn maayaan, waanagaa Berbera marinayna. Ta Ceerigaabana waxaad arki doontaan iyadoo samaysan. Hadday tahay dhaqaalaheedii u soo ururay waa dhamaystiran yahay, oo meel buu ku xidhan yahay, qofna shillin kama saarin, guddigoo sadex ku  wada sexeexda  mooyee  qofna waxba kama saari karo, ilaa haddana shilin lagu shubo mooyee shillin lagama soo saarin, waxa uu ahaa go’aankii guddigu saxeexday inaan waxba laga saarin ilaa lacagtu soo wada dhacdo.”

Wasiirak oo ka hadlayey qaabka ay u qorsheeyeen dhaqaalaha dhismaha jidka Ceerigaabo, waxa uu yidhi, “Lacagta waxna waa balan qaad waxna waa wax nasoo gaadhay, waxaanana aanu  soo bandhigi doonaa waxa aanu helnay todobaadka soo socda ama haka yimaaddo dawladda ama haka yimaaddo muwaadiniinta gude iyo dibadba, marka qalabka nasoo gaadho.”

Wasiirku waxa uu u mahad-celiyey gaadiidleyda waaweyn oo lacago ay iska soo ururiyeen gacanta ka geliyey hay’adda waddooyinka oo maamul ahaan hoos-tagta wasaaradda Madaxtooyada. “Aad baanan ugu mahad celinaynaa inta samaha jecel ee dawladda ku garab taagan dhismaha iyo horumarka qaranka,” ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

Wasiirka madaxtooyadu waxa uu ballan-qaaday inay xukuumad ahaan ku dedaalayaan sidii laami looga wada-dhigi lahaa waddooyinka dalka, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxaananu idiin balanqaadaynaa in wadooyinka dalka sidaas laga wada dhigo, oo idin tusino wax dhaxalgal ah, kolba inta awooddayadu tahay, cidda aanu kaashanayno ee aanu ka sugayno gacan iyo mooralba waa dadkayaga,” ayuu yidhi Md Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Waxa kale oo halkaas ka hadal kooban ka jeediyey Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan dhinaca waddooyinka oo kormeerka Wasiirka ku wehelinayey, waxaanu sheegay in Midowga Yurub iyo Ingiriisku ka taageerayaan Somaliland dhaqaalaha ku baxaya dhismaha waddooyinka.

Waxa uu sheegay in dalka Ingiriisku bixin doono taageero dheeraad ah oo dhinaca waddooyinka la gelinayo bisha saddexaad ee sannadkan, waxaana hadalkiisi ka mid ahaa,  “Maanta waxaan halkan u imi inaan taageero ka geysto hawlaha hay’ada waddooyinka Somaliland wadaan, eek u caawiyeen dalalka Ingiriiska iyo Midowga Yurub. Hawshan aan maanta arkayo waa mid hordhac u ah horumarka u bilaabmay Somaliland ee dhaqaale fiican la gelinayo dhinaca wadooyinka, iyo isku xidhkooda guud ahaan. Waxa kaloo dhowaan bisha saddexaad sannadkan iman doonta taageero dheeraad ah oo dalka Ingiriisku bixiyey, iyo kuwo Midowga Yurub mustaqbalka bixin doono,” ayuu yidhi.

Wasiirka Madaxtooyada waxa kormeerkiisa ku wehelinayey Maareeyaha Wadooyinka, farsamo-yaqaannada u xilsaaran waddooyinka iyo La-taliyaha Midowga Yurub u qaabilsan Waddooyinka.

SOMALILANDPOST.NET