Wasiirka Madaxtooyada oo ka hadlay Xadhigga Boqor Buur-madow, Masuuliyiinta Eedaha musuq u xidhan, Ururrada hadhay, Dhacdadii shirka Kulmiye iyo Arrimo kale [DAAWO VIDEO]

Wasiirka Madaxtooyada

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay inaanay Xukuumaddu wax faro-gelin ah ku samayn, isla markaana door ay ku lahayd jirin qiimayntii Guddiga diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo ansixinta Xisbiyadu ku kala reebeen 15-kii urur ee dalka laga diiwaangeliyey, waxaanu xusay inaanay 9-ka Urur ee hadhay iyo lixda soo baxay midna ku iman rabitaanka dawladda.

[stextbox id=”grey”]HOOS KA DAAWO  VIDEO[/stextbox]

Wasiir Xirsi waxa kale oo uu ka hadlay xadhigga xubnaha Masuuliyiinta Xukuumadda ka tirsan ahaan jiray ee eedaymaha musuqmaasuq u xidhan, kuwaasoo ay ka mid yihiin Guddoomiyihii gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar X. Cabdillaahi (Xamar-ji), Agaasimihii guud ee Dib-u-dejinta Axmed Cilmi Dirir iyo La-taliyihii Madaxweyne ku-xigeenka Cismaan Siciid Jaamac. Waxa uu sidoo kale ka hadlay Xadhigga Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw oo uu ku tilmaamay nin dembi culus Qaranka Somaliland ka galay.

Md. Xirsi waxa kale oo uu ka hadlay arrimo la xidhiidha waxyaabaha ay Xukuumadda Xisbiga KULMIYE ka soo jeeddaa ku guulaysatay intii ay jirtay, qorshayaasheeda mustaqbalka dhaw, wada shaqaynta isaga iyo Madaxweynaha ka dhaxaysa, eedaymaha had iyo jeer Wasiir ahaan loo jeediyo, wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, Gogosha nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland iyo Masuuliyiinta Xukuumaddu mararka badan ku cel-celiyeen arrimo badan oo kale oo ay ka mid yihiin cabbudhinta loo arko inay Xukuumaddu ku hayso cidda dhalliisha iyo xadhigga faraha badan ee dhawaanahan soo noqnoqday.

“Maya..Immika Ururrada soo baxay markaynu eegno waxa kuu muuqanaysa in KULMIYE qayb-qaybsamay. Haddaannu annagu faraha la galnay oo ay dawladdu faraha kula jirto may suurawdeen in wax Xisbigii dawladda burburinaya aannu soo saarno, tusaale ahaan, Hargeysa Galbeedkeeda oo ahayd meelaha uu ugu xoogggan yahay KULMIYE waxa ka soo baxay laba Urur oo KULMIYE wiiqi kara.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo xalay waraysi gaar ah siiyey Horn Cable TV, waraysigaas oo uu kaga jawaabay su’aalo badan oo kala duwan oo lagu weydiiyey waraysigaas. Waxaanu Xirsi oo ka sii hadlaya Ururrada saamaynta ku yeelan kara KULMIYE ee soo baxay uu yidhi; “Koonfurta Hargeysa oo ahayd meelaha KULMIYE ugu awoodda badan yahay Hal Urur baa ka soo baxay, gobollada kalena kuwo la mid ah. Markaa, haddii aannu annagu lug ku leenahay Ururro Xisbiga KULMIYE kala qaybinaya oo saamayn ku yeelanayaa may yimaaddeen, waxaanay taasi kuu caddaynaysaa inaanay dawladdu shaqo ku lahayn.”

Wasiir Xirsi waxa uu ku dooday inay Guddiga diiwaangelinta Ururrada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka Somaliland, tahay Guddi madax-bannaan oo shaqadooda cid ku fara-gelisa iyo cid ku fara-gelisay midna aanu jirn, isla markaana dadka ku eedeeya inay Xukuumaddu lug kula jirto yihiin kuwo hadal meel-waayey wada, hase ahaatee, aanay jirin wax caddaymo ah oo muujinaya inay dawladdu fara-gelin ku samaysay Guddiga iyo shaqadooda, sidoo kalena aanay jirin cabasho Guddigu ka muujisay faro-gelin ay Xukuumaddu ku hayso.

Mar uu Wasiir Xirsi ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey Urur-siyaasadeedka NASIYE oo marar kala duwan lagu eedeeyey inuu Xirsi samaystay, waxa uu yidhi; “Waxba kama jiraan in Ururka NASIYE iyo urur kale toona aan anigu galay, ururka waxa lagu suntay Wasiirro. Aniga iyo Wasiirrada kale midkaayana wax nagu kallifta inaannu Ururro samaysanno ma jirto, haddii ay igu jirto inaan mustaqbalka urur furto shaqada dawladda ayaan ka tagi lahaa…..”

Sidoo kale, waxa la weydiiyey Wasiir Xirsi inuu ka dambeeyey xadhigga masuuliyiinta musuqmaasuqa ku eedaysan, gaar ahaan Guddoomiyihii gobolka Hargeysa Xamar-ji oo ay arrimo siyaasadeed isku qabteen iyo waxa ka jira, waxa uu Wasiirka Madaxtooyadu ku jawaabay oo yidhi; “Maya walaal arrintaa wax ka jiraa ma jiraan. Aniga Xamar-ji saaxiibbo ayaannu ahayn muddo badan…cidda xidhay aniga maaha, cidda eedaysay aniga maaha, wax shaqo ah oo aan anigu ku leeyahay-na ma jirto…….”

Wasiir Xirsi waxa uu ka jawaabay su’aal laga weydiiyey in Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyaa iyada oo laba sano jirtay lagaga cabanayo inay bilawday tacaddiyo iyo cabbudhin la xidhiidha dhinaca xorriyatul-qawlka oo cid kasta oo dhalliisha Xabsiga la dhigayo, iyada oo Xisbiga KULMIYE muddo 8 sano ah mucaarid wax dhalliila oo muddaharaadyo sameeya soo ahaa, waxaanu ku jawaabay Wasiir Xirsi oo uu yidhi; “Jeelka waxa loo sameeyey in lagu xidho qofki dembi gala…..Buurmadaw waxaynu ognahay eedaha dembi ee loo haystaa in aanay ahayn dhalliil iyo waxaas ee dembiyo Qaran loo haysto, waxa uu yidhi oo ka mid ah dawladda ku kaca, wuxu yidhi dawladdu waa AL-Shabaab oo aan anigaygani ka mid ahaa Masuuliyiinta uu yidhi waa Al-Shabaab ee caalamkoow cuna-qabateeya dawladda..Anigu waxaan u arkay inuu galay dembiyo waawayn, sifo sharci ah ayaana loo xidhay, ee laguma xidhin car juuq dhe… qofkii dembi gala in la xidho sharcigaa dhigaya…Xadhiggana labadeennaba waa la inna xidhay, waxaas ayaa qaldan iyo hadal toona cid laguma xidho, ee ciddii dembiga gasha ayaa la xidhaa….”

Wasiir Xirsi waxa uu sheegay inuu yahay Masuulka loogu eedaynta iyo cayda badan yahay Xukuumadda talada haysa, hase ahaatee, xag-xagashada kursiga uu ku fadhiyaa leeyahay, maaddaama oo uu yahay marinkii Madaxweynaha looga gudbayey, isla markaana Rag waaweyn mooyaane aanay hore kursigaa masuuliyiin dhalinyaro ah sidiisa u fadhiisan, waxoogaa siyaasad iyo xaasidnimo ahina iska jiri karaan, hase ahaatee, waxaas oo dhan uu dul-qaad u leeyahay.

Mar Xirsi uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo la tilmaamo inay dadka la taliya oo Xirsi ka mid yahay talooyin qaldan siiyeen gaar ahaan Xirsi ahaan, waxa uu ku jawaabay; “Madaxweynuhu wuu iga aqoon badan yahay waanu iga wayn yahay, waanu iga waaya-aragsan yahay, waa nin aqoon leh oo waxa uu iiga baahan yahay-ba yar yahay…..Haddii talo xun la siiyey ama anigu aan siiyee ama cid kale siisay, waxay is weydiintu tahay Madaxweynuhu miyuu guulaystay mise wuu guul-darraystay labada sano ee uu xilka hayey….waxa kuu muuqanaysa inuu guulaystay oo wax badan oo la qabtay, horumar ballaadhanna waa la sameeyey….”

Su’aal Xirsi la weydiiyey oo ahayd, ma jiraa qalad aad isleedahay bulshada Somaliland baad ka gashay oo aad noo sheegi kartaa? Waxaanu Wasiirka Madaxtooyadu ku jawaabay; “Bashar baan u ahay qalad oo boqol qalad waan galay, laakiin qalad weyn oo siyaasi ah oo aan is leeyahay bulshada ayaad ka gashay ma jiro, cid iila timi oo tidhi qaladkaas ayaad bulshada ka gashayna ma jiraan….”

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland waxa uu ku dooday in muddadii ay Xukuumaddani jirtay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo xukuumad ahaanba ay sameeyeen is beddello muuqda oo la xidhiidha dhinacyada horumarinta adeegyada bulshada, oo ay ugu waaweyn yihiin is-beddalka lagu sameeyey Caddaaladda iyo Garsoorka Somaliland, dhismayaasha Waddooyinka, horumarinta Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada, horumarinta siyaasadda arrimaha dibedda, gudaha, kaabayaasha dhaqaalaha, kobcinta dhaqaalaha iyo wixii la mid ah. Isaga oo xusay inay mar walba Xukuumaddu ka duulayso, isla markaana wax-qabadkeeda ku salaynaysa ballan-qaadyada Barnaamijkii KULMIYE ololihii doorashada bulshada uu u soo bandhigay, iyada oo loo tixgelinayo sida uu xusay sida ay baahiyuhu u kala horreeyaan, waxna looga kala qaban karo.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net