Wasiirka Madaxtooyada Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Waxyaabihii Ugu Muhiimsanaa ee Weftiga Madaxweynaha Iyo Masuuliyiinta Imaaraadku Ka Wada Hadleen

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland,Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,ayaa ka hadlay midh-dhalka Safar uu Madaxweyne Siilaanyo iyo Wafdi uu hogaaminayaa ay in ka badan Todobaad ku joogeen Dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta.

Wasiirka,ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyay barta Xidhiidhka Bulshadda Ee Facebook,waxa uu dhignaa sida tan: “Waxaa Mahad mudan Allaha S.W.T dalka nagu soo nabad celiyey aniga oo kamid ahaa wafti uu hogaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud oo maalmihii u dambeeyey safar shaqo ku joogay dalka Imaaraadka Carabta.

 

Ujeedada Safarkan oo daarnaa dardar gelinta Mashaariic horay dawlada Imaaradka Carabtu u balan qaaday in ay ka caawin doonto dawlada Somaliland iyo gudbinta kuwo cusub ayaa ku soo dhamaaday guul iyo rajo iftiin badan

 

Mashaariicda ayaa awooda saarayey dhinacyada aasaasiga u ah nololsha oo ay kamid yihiin:

Biyaha, Caafimaadka, Korontada, Kaabayaasha Dhaqaalaha,gacan siinta Qaxootiga tirade badan ee Somaliland marti galisay iyo adkaynta xidhiidhka labad dal ayaa dhamaantood ahaa kuwo wax badan ka taraya hana qaadka dawlada qaan-gaadhka ah ee Somaliland

 

Waxaa xaqiiq ah maadama dunidu maanta tahay qol kaliya isla markaana ay saamayn togan iyo tabban-ba isku leeyihiin dalalka kala duwan ee dunida ku wada nooli in Somaliland dhankeeda laga caawiyo dhinacyada kala duwan ee horumarka si ay gacan buuxda beesha caalamka uugu siiso adkaynta nabadgelyada iyo iskaashiga dhaqaalaha.

 

Masuuliyiinta Imaaraadka Carabta ayaa dhankooda muujiyey sida ay uuga go’an tahay caawinta dawlada Somaliland iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la caawiyo dal dadkiisu dhisteen isla markaana ah xaqiiq aan la qarin Karin”

Somalilandpost.net