Wasiirka Madaxtooyada oo Dalka Ingiriiska kaga Qayb-galay Shirweyne Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ku Marti-qaadeen

Bristol (SLpostl)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali X. Xasan, ayaa olole siyaasadeed oo uu taageero ugu raadinayo Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ku jooga dalka Ingiriiska, waxaanu kulamo kala duwan la qaatay taageerayaasha iyo Xubnaha Xisbiga Kulmiye ee dalkaasi.

Wasiirka madaxtooyada oo daba-yaaqada todobaadkii hore socdaal aan hore loo sii shaacin si dhuumasho ah dalka kaga ambo-baxay, ayaa shalay la kulmay jaaliyadda iyo taageerayaasha Kulmiye ee magaalada Bristol oo ku soo dhaweeyey munaasibad ballaadhan oo shirweyne loogu qabtay xubnaha Xisbiga Kulmiye.

Munaasibaddan oo xambaarsanayd soo dhawaynta wasiirka iyo shirweynaha Kulmiye ee Dalka Boqortooyada Ingiriiska, waxa ka soo qayb-galay dadweyne ka kala tagay magaalooyinka kala duwan ee UK kuwaas oo isugu jiray Dhalinyaro, waayeel oo rag iyo dumarba lahaa, masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee laamaha iyo gobolada UK, Culimo, Aqoonyahan, iyo masuuliyiin Xukuumada Somaliland  ka tirsan oo uu hormuud u ahaa Wasiirka Madaxatooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Safiirka Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed, Safiirka Somaliland ee Dalkan UK Amb. Cali Aadan Cawaale, Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee EU  Dr. Cabdiraxmaan Ubaxle, iyo siyaasiyiin hore uga tirsanaa xukuumadahii Somaliland soo maray oo uu ka mid ahaa Wasiirkii Wershadaha ee Somaliland Mudane Maxamed Saleebaan Weyne.

Shirkaas oo si gaar ah loogu lafo-gurayay dardar galinta Xisbiga KULMIYE, waxa uu wasiir Xirsi ka jeediyey khudbad xambaarsan waxqabadka ay tirsanayso xukuumadda uu ka tirsan yahay ee dhinacayada Caafimaadka, Waxbarashada, Amaanka, Dhismayaasha sida Waddooyinka iyo Dhisida laamaha dawlada sida Wasaaradaha, iyo balaadhinta iyo kordhinta Dugsiyada dalka, iyo habaynta Gegooyinka diyaaradaha. Waxa kale oo uu wasiirku tilmaamay in Xukuumada Somaliland ay is bedel muuqda ku samaysay balaadhinta iyo tayaynta laamaha Amaanka qaranka sida Booliska, Sirdoonka, Ciidamada Asluubta iyo Ciidamada Qaranka, waxaana uu ballan qaaday in xukuumad ahaan ay sii wadayaan balaadhinta iyo Xoojinta Ciidamada kala duwan ee Somaliland si ay usii adkeeyaan  ilaalinta amaanka iyo Xuduudaha dalka.

Somalilandpost.net