Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland oo Lacag ku wareejiyey dhiggiisa Wasaaradda Maaliyadda

[H]argeysa (SLpost)- Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland, ayaa Wasaaradda Maaliyadda shalaya ku wareejisay lacag ka soo xarrootay heshiis ay la gashay shirkad shidaalka ka baadhi doonta Somaliland oo la yidhaa OPHIR Energy.

Waxaana sidaas lagu shaaciyey shir jaraa’id oo ay maanta wada-jir ugu qabteen Wisiirrada Macdanta iyo Biyaha, Maaliyadda iyo Wakiilka Shirkadda, iyadoo si rasmi ah lacag xaddigeedu dhan yahay $579,795 kun (Shan boqol iyo sagaal iyo toddobaatan iyo toddoba boqol iyo shan iyo sagaashan kun oo dollar) loogu wareejiyey Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa si qotodheer uga warramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray heshiiskan iyo wax-ka-beddel lagu sameeyey, waxaannu xusay inay shirkadu dhawaan hawshii shidaal baadhista dhawaan bilaabi doonto, lacagtii heshiiska ay ku galeena Wasaaradda Maaliyadda guddoonsiin doonaan, waxaannu yidhi; “Waxaan doonayaa inaan maanta idiinka warano heshiis na dhex maray annaga iyo shirkada OPHIR Energy oo shirkad shidaalka qoda ah, marka Wasiirka Maaliyadda waxaannu ku wareejinaynaa dakhli ka soo xarrooday heshiiskaas, heshiiskani wuxuu aha mid hore u jiray oonnu ka dhaxalnay xukuumaddii naga horraysay ee Rayaale, markaa wax-ka-beddel baannu ku samaynay, markii horre waxay haysatay qayb dhulka ah, waxyaabahaannu ka beddelnayna waxa ka mid ahaa inay dalbadeen qaybtay dhulka ee ay haysteen inay qayb kale ku darsadaan oo ay baadhitaankooda ka sameeyaan.

Dhulkaa dheeraadka ah ee aannu siinay waxyaabahaannu kula gorgortanay waxa ka mid ah, inay la yimadaan dardargelin hawshay wadeena, muddo dheer baynu maqlaynay shirkaddo shidaal baa dhulkeena jooga oo baadhitaankii iyo sahankii shidaalkuba hore u bilaabmay, waxa kale oo aannu ku darnay kiro oo aan heshiiska hore ugu jirin oonu aqabal siinay inay bixiyaan intay dhulka ku fadhiyaan iyo xaqal qallin.

Heshiiskan wuxuu dhammaaday bishii December ee sannadkii ina dhaafay, waxaanay labada dhinac heshiiska wada saxeexdeen bishii saddexaad ee sannadkan, waxaana farxad weyn noo ah dakhligii ka soo xarrooday Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha.

Dakhligii ka soo xarrooday heshiiska wax-ka-beddelka ah waxa uu noqday lacag dhan $579,795 kun (Shan boqol iyo sagaal iyo toddobaatan iyo toddoba boqol iyo shan iyo sagaashan kun oo dollar) aad baan ugu faraxsanahay inaannu u xarrayno Wasaaradda Maaliyadda dakhligii sannadkan nalaga rabay. Waxaannu aad u soo dhawaynaynaa wada shaqaynta na dhex martay shirkadaas, waxaanannu guddoonsiinaynaa jeegii lacagta oo aannu soo sawirnay.”

Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad u soo dhawaynaayo lacagtaas Wasaaradda Macdantu guddoonsiiso.

“Aad baannu ugu faraxsanahay oo u soo dhawaynaynaa in Wasaarad Maaliyad ahaan in hanta dakhli ah oo Maaliyaddu ka rabtay Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ay fuliso,” ayuu yidhi Md. Samaale, waxaannu Wasaaradda Macdanta u soo jeediyey inay halkaas ka sii wadaan dedaalka.

Mr. Rashiid Mustafe Xaaji Nuur oo ah wakiilka shirkadda shidaalka baadhaysa ee OPHIR Energy, ayaa sheegay in shirkadoodu afar sannadood dalka ku sugnayd, isaga oo intaa ku daray inuu aad u faraxsan yahay in lacagta ay ku wareejiyaan Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net