Wasiirka Maaliyadu hays casilo ama haqirto khaladka uu ka galay shaqsi daahir ah

Wasiirka Maaliyada Somaliland waa shaqsi shaqadiisa ka adag. balse wuxuu u baahan yahay training xaga maaliyada iyo lacagta ah, wuxuu kaloo u baahan yahay in quraan la saaro si ay uga baxdo waxa loogu yeedho jini boqornimada, taasoo qofka ku tidhaahda keligaa ayaa wax ah, keligaa ayaa wax badbaadiya,keligaa ayaa wax yaqaan keligaa,keligaa , keligaa. Wasiirka waxaa ku haboon inuu shirjaraaid ka qabto arintii uu ku deg-degay ee ku eedeeyey Wasiirka macdanta iyo biyaha oo aan anigu odhan karo waa shakhsi ku sifoobey hawlkarnimo, daacadnimo isla markaana aqoon u leh shaqadiisa halka Wasiirka maaliyadu aanay shaqadiisii ahayn wasaarada uu ka shaqeeyo balse shaqadiisu tahay wasaarada Howlaha guud iyo guriyeynta.
Wasiirka Maaliyada oo dadka reer Somaliland intooda badani khibrad u leedahay  attitude-kii siyaasadeed ayaa fadeexad iyo wajigabax kala kulmey dhacdadii laba week ka hor ka dhacdey shirkii golaha wasiirada ee uu madaxweynaha somaliland shirgudoominayey. kaasoo uu wasiirka maaliyadu ku dooday inay lacagi ku maqan tahay wasiirka macdanta. Nasiib daro waxaa noqotay markii sheekadii uu ku doodayey uu soo afjaray hantidhowraha guud ee qaranku. Waxaa hadaba dadka qaar isweydiinayaan ujeedada uu kala wasiirka maaliyadu arintan maxay ahayd?. Dadka intooda badan ayaa ku dooday inay ahayd ceebayn iyo karaama ka xuyuubin uu wasiirka la doonayey, kadib markii sida la sheegay wasiirka macdantu uu noqday wasiirka sanadka.
Hadaba wasiirka maaliyada waxaa u eg laba arimood miduun inuu iska casilo xilka wasiirnimada, mar haduu ku gefay cirdiga shaqsi daahir ah, iyo inuu shirjaraid arintan ka qabto ka dibna uu ku qirto khaladkiisa, isla markaana dusha u rito wixii halkaa ka dhacay.
Ahmed Nur FahieÂ