Wasiirka Maaliyadda oo Shaaciyey Ku-dhaqanka Wax-ka-beddel lagu Sameeyey Tacriifadda Cashuuraha (DAAWO)

SamaaleWasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa wareegto uu todobaadkan soo saaray ku dhaqan geliyey  wax-ka-bedelka tacriifada cashuuraha oo goleyaasha sharci-dejinta iyo madaxweynuhuba qalinka ku dugeen.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo wareegta uu ku dhaqan-geliyey wax-ka-beddelka tacriifadda Cashuuraha ku socodsiiyey dhammaanba masuuliyiinta hay’adaha dakhli-ururinta ee ay ku khusayso, waxa uu ku war-geliyey inay dabbaqaan isla markaana la dhaqan-geliyo maanta oo bishu tahay 1-da bisha 1aad 2014-

Tacricad-2Wasiirka Maaliyaddu waxa uu wareegtada dhaqan-gelinta tacriifadda ku socodsiiyey dhammaan maamuleyaasah Kastamada, dhammaan maamuleyaasha cashuuraha, dhamaan xisaabiyeyaasha Gobolada/degmooyinka, wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawlada, halka uu sidoo kale Ogeysiin ka siiyey Guddoomiyeyaasha Golaha Deegaanka, Taliyeyaasha qaybaha  Booliska, Gudoomiyeyaasha Gobollada, Agaasimeyaasha Wasaarada Maaliyada,  Xisaabiyaha Guud ee Dawlada,  Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada, Taliyaha Ciidana Booliska, Hanti dhawraha Guud ee Qaranka, Wasiiru Dawlaha Wasaarada Maaliyada, Wasiirrada wasaaradaha Ganacsiga, Horumarinta Reer Miyiga, Tamarta iyo Macdanta, Beeraha, Gudiga dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada, Shir Gudoonka Golaha Wakiilaa iyo ugu dambeyntii Madaxweynaha Somaliland.

Tacrifad1Waraaqda Wasiirku ku dhaqan-geliyey Wax-ka-beddelka tacriifadda Cashuuraha ee Sannadka 2014-ka, ayaa u qorneyd sidan:- “Anigoo tixraacaya Warqadda Madaxweynaha ee tirsigeedu yahay JSL/M/XERM/249-2172/112013 ee 24/11/2013 iyo xeer madaxweyne no: 0369/112013 oo lagu baahiyey dhaqan galka lifaaqa wax ka beddelka tacriifadaha Cashuuraha iyo liisamada iyo warqada GolahaWakiilada ee tirsigeedu yahay GW/WAK/04/147/2013 ee 24/11/2013 kuna ansixiyeen Wax-ka-beddelka tacriifada Cashuuraha.

tacrifad3Sidaa awgeed, waxa saraakiisa warqadani ku socoto lagu war galinayaa inay dhaqan galiyaan wax ka beddelka tacriifadda Cashuuraha iyo liisamada ee halkan ku lifaaqan laga bilaabo 01/01/2014 madaxda ogaysiinta ku lehna waxa laga codsanayaa inay gacan buuxda ku siiyaan fulinta sharcigan kaas oo hirgalintiisu wax wayn ka tari doonto ka midho dhalinta Miisaaniyaa 2014.”

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa dhowr bilood ka hor ansixiyey wax-ka-beddel lagu sameeyey tacriifadda cashuuraha laga qaado gaadiidka iyo badeecadaha qaarkood, halka madaxweyne Siilaanyo uu ka soo saaray digreeto uu ku dhaqan-geliyey xeerkaas.

SOMALILANDPOST.NET