Wasiirka Maaliyadda oo Muddeeyey Wakhtiga ay hay’adaha Dawladdu Xeraynayaan Odoros-miisaaniyadeedka 2014

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa hay’adaha kala duwan ee Dawladda u qabtay Wakhti kama-dambays ah oo ay ku soo gudbistaan Orod-miisaaniyadeedka hay’adahooda ee Sannadka 2014, si loogu gudbiyo isla markaana ay shaqadooda uga qabsadaan Goleyaasha Wasiirrada iyo Xeer-dejinta, laguna ansixiyo hortaanta Sannadka dambe.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland waxa uu sidaas ku faray Digreeto uu ku socodsiiyey hay’adaha dawladda, taas oo uu ugu muddeeyey inay ku xereeyaan odoroska miisaaniyadda 1-da Bisha Siddeedaad ee soo socota.

SamaaleDigreetadan oo xanbaarsan Macluumaad la xidhiidha qaabka Odoroska loo soo samaynayo iyo shuruudaha la xidhiidha Isticmaalka Miisaaniyad sanadeedka 2014, ayaa u dhigneyd sidan:

“Ku: dhamaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawliga ah

Ku: dhamaan Taliyayaasha Ciidamada

Og: Golaha Wakiiladda

Og: Golaha Guurtidda

Og: Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

Og: Madaxweynaha JSL

Ujeeddo: Diyaarinta iyo soo gudbinta Miisaaniyadda 2014

Sida ku qeexan Xeerka Maamulka Miisaaniyadda ee Qaranka( Financial and Accounting Procedure of the State). Waxa waajib ah in dhamaan Golayaasha Dawladda , Wasaaradaha, Wakaaladaha, dhamaan Ciidamada iyo Hay’adaha kale ee Dawladdu ay soo diyaariyaan, una soo diraan wasaaradda Maaliyadda sanadka 2014-ka Kharash iyo Dakhliba, iyadoo lagu soo habaynayo Foomamka Budget-ka (Budget Preparation Forms) halkan ku xusan lana raacayo tilmaamaha wareegtadan ku xusan.

Miisaaniyadda sanadka cusub ee 2014-ka waxay diyaarinteedu xambaarsanaan doontaa dhawrka Arrimodd ee soo socda.

Muujinta iyo faahfaahinta Miisaaniyada illaa heer gobol (Distribution of Ministerial Budgets into departments and/ or Regions)

Dakhligeena ku soo xerooday goobaha Dakhli ururinta

Hay’adaha Madaxa banaan ee lagu darayo Odoroska Miisaaniyadda

Wakaaladda Korontada Hargeysa (Somaliland Electricity Agency)

Hay’adda Korontada Berbera

Wakaaladda Biyaha Hargeysa (Hargeysa Water Agency)

Wakaaladda Biyaha Berbera

Wakaaladda biyaha Borama (shaba)

Wakaaladda Biyaha Gabilay (Samsam)

Wakaaladda Biyaha Burco

Haamaha Shiidaalka Berbera( Berbera Oil Terminal)

Wasaaradda Duulista iyo Hawada

10. Baanka Dhexe ee Somaliland

11. Taakulada Goboladda Barri

12. Hay’adda Wadooyinka

13. Dawladaha Hoose

14. Dekedda Berbera (Berbera Port Agency)

15. Wakaaladda Madbacada Qaranka (National Printing Agency)

Hadaba, waxa Hay’adahaas kor ku xusan laga doonayaa in Odoroska Miisaaniyadda 2014 usoo diyaarsadaan qaabkoodii ay hore ugu samaysan jireen, Dakhli iyo Kharashaba, una soo diraan Wasaaradda Maaliyadda iyagoo wixii mashaariic ah ee sanadka 2014-ka si gaar ah u tilmaamaya kuna soo habaynaya Foomka ku lifaaqan Warreegtadan.

Muujinta Qorshe Miisaaniyadeedka ilaa heer Gobol

Waxa iyana la idinka doonayaa inaad Odoroska Miisaaniyadda 2014-ka u kala saartaan illaa heer gobol idinkoo ku habaynaya Foomka wareegtadan ku lifaaqan, ee loogu talogalay, si miisaaniyadda uga muuqato adeega bulshada iyo hawlaha Mashaariicda illaa heer gobol.

Ka muuuqashada Miisaaniyadda istaraatajiyada Dawladda iyo kala mudnaanta Kharashyada

Waxa kaloo la idinka doonayaa inaad Odoroska miisaaniyadda 2014-ka ku soo habaysaan qorshaha kala mudnaanta hawl-galadiina kala duwan. Waxaana waajib ah in Hay’ad waliba ay odoroska Miisaaniyadda ka muuqata qorshaheeda siyaasadeed iyo kala-mudnaanta kharashyada.(Government Policies Priorities)

Magaha iyo Biilasha Taagan

Waxa dhamaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda laga codsanayaa in ay Magaha iyo Biilasha taagan ee aan ku jirin Miisaaniyadda 2013-ka ku soo darsadaan Miisaaniyadda 2014-ka si arinkaa loo xaliyo. Sidoo kale waxa la xasuusinayaa inaanay gelin kharash ka dheeri ah ka Miisaaniyadda loo ogolaaday sanadkan isla markaana biilashooda ku salaysan Miisaaniyadda ay u gudbiyaan Xisaabiyaha inta aanay dhamaan mudada diyaarinta Miisaaniyaddu.

Madaxyada iyo Madax xigeenada Miisaaniyadda 2014 (Head and Sub-head of Budget classification )

Waxaan dhamaan Wasaaradaha, Wakaaladaha iyo hay’adaha Dawladda ee Wareegtadani tooska ugu socoto laga doonayaa inay Odoroska Miisaaniyadda cusub ee sanadka 2014ka ku soo qoraan Madaxyada iyo Madax-xigeenada ku lifaaqan Wareegtadan.

Haddii uu soo baxo kharash uu meesha ka maqan yahay Madax-xigeenka ku haboon waa inaad sidiisa u soo codsataan kharashka noocaas ah idinka oo ku hoos muujinaya nooca kharashka eek u haboon iyadoo waaxda Miisaaniyaddu ay wasaaraddan siin doonto Madax-xigaha ku haboon.

Odoroska Dakhliga Miisaaniyadda 2014-ka

Waxa iyana waajib muhiim ah in wasaaradaha iyo Hay’addaha Cashuur qaadista iyo Dakhli ururinta, ama ha ka tirsanaadaan waaxaha Wasaarada Maaliyadda ama hay’adaha kale ee Dawladda sib wasaaradda Boostada iyo Isgaadhsiinta. Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga, Wasaaradda Kalluumaysiga. Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, Maxkamadaha, Dekedda, wasaaradda Cadaalada, Hay’adda socdaalka, Wasaaradda Duulista iyo Hawada, Wasaaradda Ganacsiga, wasaaradda Wershadaha, wasaaradda dhalinyarada ciyaaraha iyo Dalxiiska, Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Wasaaradda Wrfaafinta, TV-ga Qaranka ee SLNTV, Wasaaradda Arrimaha bulshada iyo shaqada, Wasaaradda Caafimaadka iyo wasaaradda Xanaanada Xoolaha IWM.

Waa inay mudnaanta koowaad ee xil gudashadooda siiyaan ku talagalka sidii loo abaabuli lahaa loona soo xarayn lahaa dakhliga ugu sareeya ee sharci ahaan suurto gal ah isla markaana soo diyaariyaan Odoroska Dakhliga ee Miisaaniyadda sanadka 2014-ka gaar ahaan dakhliga la xidhiidha:-

Cashuurta isticmaalka iyo dhaqdhaqaaqa Ganacsiga

Dakhliga kala wareejinta Hantida Raagta

Dakhliga Hantida Dawladda

Dakhliga Alaabta iyo Hawsha

In Odoroska Miisaaniyadda 2014ka lagu soo diyaariyo qaabka ku tilmaaman wareegtadan iyo Foomamka la socda soona gaadhsiisan wasaaradda Maaliyadda ka hor 1first August 2013.

Gabagabo

Gunaanad ahaan waxa kale oo xusid mudan in doorkan ay wasaaradda Maaliyadda u qorshaysan tahay in miisaaniyadda sanadka 2014ka oo dhamaystiran loo gudbiyo Golaha xukuumadda iyo Golaha sharci Dajintaba wakhtiga xeerku tilmaamayo si Miisaaniyaddu u dhaqan gasho bilawga sanadka danbe.

Sidaas darteed waxa la idinku adkaynayaa in aad si dhakhso ah uga hawl gashaan diyaarinta Miisaaniyadda, iyadoo ay reebantahay in marnaba soo gudbinteedu ay ka dib dhacdo 1st August 2013ka.”

Allaa Mahad Leh

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

C/casiis Maxamed Samaale.