Wasiirka Maaliyadda oo ka Warbixiyey Heshiis is-afgarad oo Dhexmaray Shirkadaha Qaadka

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa faahfaahin ka bixiyay is afgarad dhex maray Wasaaradda Maaliyadda iyo Shirkadaha ka ganacsada Qaadka.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Somaliland Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo maanta warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa, waxa uu sheegay inay kulan wada yeesheen mulkiilayaasha Shirkadaha Qaadka, isla markaana ay xalliyeen khilaafaadkii ka taagnaa dhanka Cashuur-bixinta.

SamaaleWasiirku waxa uu xusay in markii hore ay Qaadka ka Cashuuri jireen 85%,  halka 15% soo hadhay ay ahaayeen Waxa loogu yeedho Xaqal Xashiish, haseyeeshee ku talo galka Sannad Miisaaniyadeedkan Cusub ay wasaarad ahaan ka maarmi waayeen 15%ka soo hadhay isla markaana ay ku dareen Odoroska Miisaaniyada Qaranka ee 2013ka in Cashuurta Qaadku ay noqoto 100%, taasina ay sababtay  cabashada  Ganacsatada Qaadka.

“Markii uu sii dhammaanayey sannadka 2012-ku ee aanu wadnay odorooska miisaniyadda 2013-ku, waxa aanu qiiyaasnay oo aanu ka baaraan-degnay meelaha uu dakhligu ka soo bixi. Dabadeedna waxyaabihii aanu islahayn waad u baahantihiin wasaarad ahaan iyo qaran ahaan ayaanu guddi wasiiro ahayd oo madaxweynuhu u saaray iyo wasaaradda ay kulamo badan la yeesheen guddi ay leeyihiin shirkadaha qaadku oo ilaa 20 qof ka kooban oo dhammaadkii bishii November aanu Hotel Maansoor ku kulanay, si wanaagsan ayay noogu yimaadeen oo ujeeddadii kulanka waanu u sharraxnay,” ayuu yidhi Md Samaale.

Wasiirku waxa uu sheegay oo kale in ganacsatada qaadku ay bixinayaan laga bilaabo bishan boqolkiiba 90%.isagoo intaas raaciyay in wixiii marka la gaadho bisha march ay ka dhigi doonaan 100%, “Ujeeddadayadu waxay ahayd jaadka cashuurta laga qaado oo 100% ma cashuurna. Waxaa jirta wax la yidhaahdo Xagal-xashiish oo laga daayo. 85% oo aanu sannadkan dhammaaday ka qaadnay cashuur ahaan 15% soo hadhaynaa xagal-xashiish ayaa lagu dhaafi jirey, markaa codsiga wasaarada maaliyadu  wuxuu ahaa 15 xagal-xashiishka ah in aanaan sannadka 2013-ka ka maarmayn oo aanu qaadka ku cashuurno 100%. Dabeeto wadda-hadal dheer oo na dhexmaray, iyaga talada xaggooda ka timi waxay noqotay ilaa bisha March inaanu sugno oo ay ogaaladaan 15% bisha March, laakiin markii aanu rog-rognay, waxaanu isla qaadanay inay aqbalaan bisha 1aad ee 2013 inay 5% ku daraan halkii 85% ka ahayd aanu cashuurno 90% heshiiska oo aanu runtii isla qaadanay shirkadihii qaadka keenayey,” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu.

SOMALILANDPOST.NET