Wasiirka Maaliyadda oo Jawaab ka bixiyey Dhaliilo Guddoomiye Cirro u jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Md Yuusuf Maxamed Xasan, ayaa jawaab ka bixiyey dhaliilo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani u jeediyey Xukuumadda, taas oo uu ku sheegay in sababaha sicir-bararka sii xoojiyey tahay cashuurta wasaaradda maaliyaddu ka qaaddo ganacsatada oo tiro badan.

wasiirka maaliyadaMd Yuusuf Maxamed oo xilligan socdaal uu ku dar-dargelinayo hawlaha wasaaradda ku jooga gobollada Bari ee dalka, ayaa mar uu maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Burco, waxa beeniyey jiritaanka eedda uu Guddoomiye Cirro u jeediyey Xukuumadda.

FAAHFAAHINTA WARKAN IYO HADALKA WASIIRKA KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSEÂ