Wasiirka Maaliyada Oo Ku Dhawaaqday Olole Cashuur Ururin Ah

Berbera (SLP- Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Marwo Samasam Cabdi Aadan oo socdaal shaqo ku joogta Magaalada Berbera ayaa ku dhawaaqaday olole cashuur ururineed oo dalkoo  dhan laga bilaabayo, waxaanu tilmaantay ololahan kor loogu soo qaadayo dakhliga dalka.Zamzam

Marwo Samsam Cabdi oo warbaahinta kula hadashay Magaalada Berbera waxa kale oo ay bulshada ugu baaqaday inay bixiyaan cashuuraha.

Waxa maanta bilaabmaya olole cashuur ururineed oo ka bilaabmaya dalka oo dhan oo masuuliyiinta Wasaarada Maaliyadu wadaan oo ay isku qaybiyeen, oo bariga ilaa gobolka Saaxil oo xuduntii ah ilaa Togdheer, Sanaag iyo Sool qaybo ayaanu ku soconaa waana isku qaybinaynaa, Maroodijeexna Wasiiru dawlaha Maaliyada iyo  Wasiir ku xigeenka ayaa hogaaminaya ololahaa cashuur ururinta, galbeedkana waxa u kicitimaya Agaasimaha guud oo wata masuuliyiinta Wasaarada Maaliyada oo ilaa Awdal, Gabiley iyo Salal gaadhaya.” Ayay tidhi Wasiir Samasam.

Wasiirka Maaliyada waxa ay  sheegtay in Somaliland ay horumar ku gaadhay bulshadeeda oo isku tashatay, waxaanay tidhi  “Markaa waxa weeyaan in aynu dadkeena ku baraarujino  duruufaha qalafsan ee ka jira deegaanka inoo dhaw in aynu inagu guntida dhiisha iskaga dhigno oo aynu isku tashano, waayo Somaliland waxay halkaa ku soo gaadhay waa iyada oo isku tashatay. Isku tashiga uun baynu haddana sii xoojinaynaa, waxaynu doonaynaa in dadkeena aynaan dhibin oo aynu barno in qofku cashuurta iska bixiyo waana wax waajib ah.

Somalilandpost.net