Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo ka warbixiyey Casuumad ay xukuumaddiisu ka heshay Barlamanka Yurub, kana hadlay heerka iyo marxaladda Wada-hadal u furma Somaliland iyo Somalia

Hargeysa, 31 March, 2012(SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, isla markaana ka warbixiyey socdaal shaqo oo uu in mudda ahba uu ugu maqnaa waddamo Yurub, gaar ahaan casuumad ay xukuumadda Somaliland ka heshay Barlamanka Yurub.

Wasiirka oo maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, isla markaana qolka nasashada ee garoonka warbaahinta ugu warramay, waxa uu sheegay in isaga iyo Weftigiisu ay dalka Belgium kaga qaybgalay kulankii Baarlamaannada Yurub oo Somaliland si gaar ah ugu casuumay.

Waxa uu wasiirku xusay in casuumadda Barlamanka Yurub ay ka dambaysay ka dib shirkii magaalada London loogu qabtay Arrimaha Soomaalida. Wasiirka oo arrintan faahfaahinaya waxa uu yidhi, “Safarkaasi wuxuu ka danbeeyey martiqaad ay xukuumadda Somaliland ka heshay ururka midawga Yurub khaasatan Baarlamaanka.”ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar

Wasiirka arrimaha dibeddu waxa uu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Booqashadda ama safarka oo ka danbeeyey shirkii magaaladda London ka dhacay bishii labaad ee sannadkan ee arrimaha Soomaalida lagaga hadleyey ee ay Somaliland ka hadashay, shirkaasi oo madaxweynuhu ka jeediyey khudbad uu kaga dalbanayo beesha caalamka inay Somaliland ula shaqayso arrimo fara-badan oo Somaliland horyaala oo ay nabadgeliyaddu ka mid tahay oo halka horumarka ee dhaqaaluhu ka mid yahay oo ay siyaasaddu ka mid tahay inay beesha caalamku kala shaqayso.”

Wasiirka oo waxa laga waydiiyey inay jiraan warar sheegay inuu madaxweynuhu magacaabay Ergay uu ugu talo-galay inuu waddahadashiyo Somaliland iyo Somaliland waxa uu yidhi; “Madaxweynaha Somaliland oo ah madaxweynaha dalka ayaa isagu xaq u leh cida uu arrimaha ahaa kala tashaynayo cida uu ka qaybgalinayo. Laakiin, wadahadalka Soomaaliya in Guddi loo saaraa waa arrin u taala xukuumadda Somaliland, waana arrin aanu jecelnahay in aanu ka midho-dhalinno oo aanu uga badhayno rabitaanka shacabka Somaliland sidii lagu heli lahaa.”

“Ilaa hadda cid guddiya oo dawladda kala talisa arrimaha ahaa oo la magacaabay ma jirto, laakiin arrimahaasi iyo go’aankaasi waa arrimo u gaara madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ”.

somalilandpost.net

Hargeysa, News Desk