Wasiirka howlaha guud oo waxba kama jiraan ku Tilmaamay inuu iska casilayo xilka wasiirnimo


Hargeysa(SLpost)-Wasiirka wasaaradda Hawlaha guud iyo guriyanta Somaliland Md Cabdi Xaabsade, ayaa maanta ka hadlay warar aan sal iyo raadtoona lahayn oo tilmaamaya inuu iska casilayo xilka wasiirnimo.

Md Xaabsadde oo maanta u waramay warbaahinta dalka, ayaa sheegay inuu beryahan-ba maqlayey wararka is-casilaadiisa, laakiin haba yaraate aanay isaga ka soo bixin. Isla markaana aanu ku talo-jirin inuu iska casilo xilka uu qaranka u hayo, waxaanu tilmaamay dadka iyagu qoraya dad aan iyaga masuuliyadi saarnayn.

Wasiirku waxa uu sheegay in dadka iyagu arrinta wad-wadda inay yihiin dad doonay inay xukuumadda khal-khal dhex dhiggan, isagoo carabka ku adkeeyey in aanu is-casilayn qorshahan ugu jirin.

Wasiirka Howlaha guud oo ka hadlaya arrimihii loo nisbeeyey wuxuu isku casilayo waxa uu sheegay in dadkii iyagu lagu xidh-xidhay Laascaanood iyo kuwii iska casilayba lagala xidhiidhayo Wasiirka arrimaha gudaha, maadaama oo isagu masuul ka yahay amnigga gudaha.

SOMALILAND POST.NET

HARGEYSA/SOMALILAND