Wasiirka Horumarinta Maaliyadda oo tabobar u furay Shaqaalaha Waaxda Cashuuraha Barriga

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa tababbar u furay qaar ka mida shaqaalaha waaxda cashuuraha Barriga ee gobollada iyo degmooyinka dalka.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda maaliyadda Somaliland Maxamed Cabdi Gurxan oo furitaanka tabobarka ka hadlay, ayaa ujeeddada tabobarka ku sheegay mid xambaarsan xogo iyo macluumaad la xidhiidha tacriifadaha cashuuraha, haga-yaasha Gasnajiga, xeerka anshaxa shaqaalaha, warqadda dhawrista xogta iyo wax-ka bedel lagu sameeyey warqadda cashuuraha waddo-marista.

Agaasime Gurxan waxa uu intaas ku daray in faa’idada tabobarku xambaarsan yahay tahay mid kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha waaxda cashuuraha Barriga ee wasaaradda si waxtarku uga muuqdo shaqada ay shaqaalahaasi ka hayaan xarumaha cashuuraha bariga ee ay ka hawl-galaan.

Wasiirka Wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland Hinda Jamaac Xirsi oo iyaduna halkaas ka hadashay, ayaa bogaadisay wax-qabadka waaxda cashuuraha Barriga ee Wasaaradda Maaliyadda, waxaanay u soo jeediyey  inay dedaalka halkaas ka sii wadaan.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo halkas ka hadlay ayaa xubnaha waaxda cashuuraha bariga ee tababbarkaasi u furmay u soo jeediyay inay ka faa’iidaystaan casharada la xidhiidha tacriifadaha cashuuraha, hage yaasha qasnajiga, xeerka anshaxa shaqaalaha, warqada dhawrista xogta iyo wax-ka bedelka warqada cashuuraha waddo marista ee mudada tabobarkaasi socdo ay ku qaadan doonaan, wasiirku wuxuu intaas ku daray inay sii wadi doonaan tababbarada kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha kala duwan ee waaxyaha wasaaradda maaliyadda Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net