Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Agaasimaha Wasaaradda Duulista Oo Dhagax-dhigay Dhismaha Madaarka Laascaanood

Laascaanood, (SLpost)- Wasiirka wasaaradda hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo uu weheliyo agaasimaha guud ee wasaaradda duulista hawada Cumar Sayid ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha run-wayga madaarka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasoo lagu samaynayo dibu-dhis.Garoonka lascaanood2

Agaasimaha guud ee wasaaradda duulista oo ka hadlay dhagax-dhiggaas iyo qorsheyaal kale oo ay wasaarad ahaan ka wadaan garoonka diyaaradaha ee Laascaanood ayaa yidhi. “Saaka waxaanu dhagax dhignay aniga iyo wasiirka hawlaha guud cabdirisaaq khaliif axmed garoonka Laascaanood oo laga samaynayo 1.5 gravel run-way . waxa ka daga maalin kasta diyaarad Kaargo ah oo sida qaad. waxaanu ka soo samaynay wasaarad ahaan warbixin si deg deg ah wax loogaga qabanayo arrimaha kale ee garoonku u baahan yahay sida

  • Terminal yar oo kooban o
  • Xafiisyadii
  • Gaadhi dab damis ah
  • Xayn-daab.

arimahaas oo wasaarad ahaan aanu si deg deg wax uga qaban doono insha allaah.
waxa goob joog ahaa madaxdii gobolka intoodii badnayd hadday tahay dhaqan, hadday tahay madaxdii gobolka ganacsatadii iyo dadweyne kaleba.”

Garoonka lascaanood Garoonka lascaanood1