“Wasiirka Hadlay Wuu Garanayaa Faraqa U Dhexeeya Somaliland Iyo Soomaaliya Ee Ha Ku Eekaado Shaqada Ay U Dirteen”

Hargeysa, (SLP)- Xukuumadda ayaa jawaab ka bixisay hadal kasoo yeedhay wasiirka dekedaha dawladda Soomaaliya Nuur Faarax, kaasoo sheegay inaan dekeda Berbera cidna aan lagu wareejin Karin.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse)  maanta ka hadlayay shir lagu falanqaynayay dib u habaynta maamulka dhulka oo ka qabsoomay Magaalada Burco waxa uu sheegay in masuulka Soomaaliya u hadlay uu garanayo faraqa u dhexeeya labada dal, isagoo xusay in wasiirkaasi uu ku ekaado shaqada ay u egmadeen dawladdaasi.cukuse22

Cukuse ayaa sidoo kale jawaab ka bixiyay hadalkii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ku sheegay in Caasimada Hargeysa ugu soo safrayo Baasaboor la’aan, waxaanu tilmaamay in Jawaari Somaliland u ku soo galayo sida sharciga waafaqsan ee dadka ajaanibka ahi u yimaadaan dalka.

“Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo shalay ka hadlayay Dekedda Berbera, isagu wuu garanayaa inay halkani tahay Jamhuuryada Somaliland, waa halkii uu shalay musharaxa ka ahaa, wuu garanayaa faraqa u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, wuu garanayaa Berbera, Laasqoray, Saylac iyo Lughaya in aanay ku jirin Dekedaha isaga loo magacaabay. Waxaanu leenahay ha ku eekaado shaqada ay u dirteen.” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay in Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu Somaliland ugu soo safri karo sida uu dhigayo sharciga Somaliland, waxaanu yidhi “Saddexdii maalmood ee u dambeeyay warbaahinta waxa ku soo noqnoqonayay hadal uu jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo sheeganaya ku simaha Madaxweynahooda oo Xafiiskaasi ka shaqaynaya, Jawaari wuxuu yidhi anigu Hargeysa Baasaboor ku tegimaayo, waxaanu si kooban u leenahay adiguna sharci darro ku imanmaysid oo sida sharciga ah oo qofka dalka soo booqadaa uu ku yimaado ee ajnabiga ah ayuunbaad ku iman karaysaa. Waa adiga oo Baasaboorkii dalkaaga sita.”

 

Somalilandpost.net