Wasiir Gabboose oo Xilkii Wasiirnimo iska Casilay iyo Waxyaabaha uu ku sababeeyay

Wasiir Gabboose

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa maanta iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu ka hayay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Wasiir Gabboose

Wasiirka Gaboose ayaa kaga dhawaajiyay go’aankiisan mar uu shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaanu sida uu sheegay ku sababeeyay is-casilaaddiisa si uu ugu madax-bannaanaado hammigiisa siyaasadeed, isla markaana aanu jirin khilaaf  ka dhexeeya madaxweynaha oo ku lug leh is-casilaaddiisa.

Wasiir Gaboose waxa kale oo uu tilmaamay inay jiraan tabooshooyin uu tirsanayo, hasayeeshee si guud mar ah mooyaane si hoose u muu faahfaahin.

Wasiirka oo sababaynaya is-casilaaddiisa waxa uu yidhi, “Ma jirto sabab khilaaf oo naga dhaxaysa madaxweynaha oo aan isku casilay. Madaxweynuhu waa oday rug-caddaa ah oo shacabkiisa sharaf ka mudan. Wuxuu fuliyay ballan-qaadyadii uu umadda u ballan-qaaday. Waxa uu shaqaalaha u kordhiyay Mushaharkii, waxa uu Burco ka beddelay lacagtii Giimbaarta ahayd, waxa la diiwaangeliyay Ciidamada Qaranka. Waxaan idiin sheegayaa in madaxweyne Siilaanyo Taariikhdu Xusi doonto wax-qabadkiisa.”

Wasiirka oo ka hadlaya qaabka uu xukuumadda ula shaqaynayo marka ay ururka furtaan waxa uu yidhi, “Waxaan ballan-qaadayaa in madaxweyne Siilaanyo ula shaqayn doono si habsami leh iyo taageero. Ururkagayagu waxa uu noqon doonaa mid wax toosiyo oo xukuumaddana waxa san u tilmaama.”

Waxaana uu halkaa ka caddeeyey inuu doonayo inuu u madax-bannaanado hammgiisa siyaasadeed, isla markaana uu ku talo jiro inuu dib boodhka uga tumo ururkiisii siyaasadeed.

Iscasilaadda Gaboose ayaa ku soo beegantay isla markii madaxweynuhu dalka dib ugu soo laabtay taas oo lagu sababayn karo, sida uu isagu horeba uga dhawaajiyay, ka dib markii si rasmi ah loo ogolaaday isla markaana golayaashu ansxiyeen in la furo ururro siyaasadeed.

Somalilandpost.net

Hargeysa News Desk

Somalilandpost08@gmail.com