Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Ka Hadlay Qaabkii Ciidamada Somaliland Ula Wareegeen Degmada Taleex

Hargaysa(SLPOST):-Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Oo Ka Hadlay Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Deegaanka Taleex Ayaa Sheegay In Ciidamada Qaranka Somaliland Si Nabbada Ku Gaadheen Halkaasi, Isla Markaana Ay Hore Halkaas U Joogeen Qaybo Ka Mid Ah Ciidanku Qaranku.

images

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Waxaa Kaloo Uu Intaas Ku Daray Inay Soo Dhaweynayaan Cid Kasta Oo Nabad Doonaysa Isla Markaana Dariiqa Wadahadalka Iyo Nabaddu U Furan Yahay Ciddii Wax Tabanaysa Una Diyaar Yihiin Inay Ka Bogsiiyaan Soona Dhaweynayaan Kooxda La Baxday Khaatumo Nabadna Ugu Baaqayaan.

Waxaanu Sidaa Ku Sheegay Wasiirku Mar Uu U Waramayey Warbaahinta Gudaha Ee Somaliland, Waxaanu Yidhi “Horta Ciidanka Qaranku May Qabsan Ee Dhulkoodii Degmo Ka Mid Ah Ayay Tageen, Ciidan Hore U Joogayna Wuu Jiray, Oo Ciidanku Maaha Kan Dirayska Iyo Derajada Sita Oo Kaliya Laakiin Wuu Nocyo Badan Yahay Markaa Ciidanka Qaranku Hadba Halka Looga Baahdo Ayay Tegayaan Markay Hawl Galkooda Waajib Soo Dhammaystaanna Meel Kale Ayay Tegi Karaan, Laakiin Maaha Inay Halkaa Iska Degaan Oo Daaro Ka Dhistaan Shaqada Ciidanku.”

Ayuu Yidhi Wasiir Cadami Waxaanu Intaa Ku Daray Isagoo Ka Jawaabayay Tallaabada Tan Xigta Ee Ay Xukuumad Ahaan Qaadayaan.

“Taleex Waa Degmo Ka Tirsan Somaliland Tallaabada La Qaadayaana Waa Mid Ka Mid Ah Tallaabooyinka  Horumarineed Ee Dalka Intiisa Kaleba Ka Socda, Imikana Dadkii Reer Taleex Iyo Ciidankii Oo Wada Jira Oo Gacmaha Is Haysta, Ayaa Wada Jooga.”

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami Oo La Weydiiyay Inay Diyaar U Yihiin Inay Xukuumad Ahaan Wadahadal La Galaan Kooxda Khaatumo Ayaa Ku Jawaabay.

“Haa Oo Waa Mid Nagu Waajib Ah In Aanu Cid Kasta Oo U Diyaar Ah Wada Hadal Iyo In Lays Turxaan Bixiyo Oo Wax Tabanaysa Inaannu La Hadalno Oo Aanu Gogol Soo Wada Fadhiisanno Dadkuna Waa Wada Somaliland,Qof Kasta Oo Reer Somaliland Ahna Waxaanu Diyaar U Nahay Inaanu Wixii Tabasho Ah Ee Uu Qabo Inaanu Ka Bogsiinno.”

Ilaa Iyo Hada Lama Oga Khasaaraha Labada Dhinac Ee Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo Maleeshiyada Khaatumo Seeg Ka Soo Gaadhay Dagaalkaasi Ku Dhex Maray Duleedka Taleex.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland