Wasiirka Gaashaandhiga Oo Sheegay In Guddigii Baadhista Ciidamadu Bilowday Hawshii Loo Xilsaaray

Hargeysa (SLpost)-Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa sheegay in Guddii loo xilsaaray inay baadhis ku soo samayso Ciidamada Qaranka inay hawsheedii bilawday, isla markaana aanay ku eekayn Ciidamada Qaranka, ee ay dhamaan ay Ciidamada kale duwan ee dalka ay baadhi doonan, waxaanu sheegay in marka uu baadhitaanku dhammaado la soo bandhigi doono natiijada. Guddidan ayaa la sheegay inay baadhayso dilalka ku soo noqnoqday ciidamada qaranka muddooyinkan dambe.

Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale waaxa uu amaan u soo jeediyey Ciidamada kale duwan ee dalka waxaanu Bulshada ugu baaqay inay garab istaagan waxaannu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Guddidi hawsheedii wey bilawday, baadhitaankiina wey wadaa, maalin iyo habeen qudha waxba laguma baadho, ee waxa ay doonaysaa Guddidi inay si xeel dheer oo cilmayeysan baadhitaanka u fuliso, oo kiis walba sidiisa u eegto, oo dhibka waxa keenaya iyo waxa jira ay daristo, ogaatana, baadhitanku Ciidamada Milatariga oo qudha kuma koobna ee Ciidamada oo dhan ayuu quseeya, marka la dhamaystirana jawaabta waa la faafin doonaa, haddii ILLAAHAY ka dhigo”.

Wasiir Caddami ayaa isaga oo amaanay Ciidamada waxa uu yidhi “Ciidamada Somaliland oo dhami waa Ciidamo wanaagsan, oo iyana dadkooda jecel, waana kuwa ILLAAHAY ka sakaw amaanka ilaaliya, in mar walba dadku la shaqayaan, oo garab istaagaan oo wixi khaldan ee dhib dalka iyo dadkaba ku haya u soo sheegaan ayaa haboon”

Xigasho Geeska Afrika