Wasiirka Gaashaan-dhigga Somaliland oo faahfaahin ka bixiyey Khasaaraha Dagaal Dhexmaray Ciidamada Qaranka iyo Maleeshiyo Nabad-diid ah

Hargeysa, 01 April, 2012 (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami oo galabta Shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaarada Warfaafinta ayaa faahfaahin ka bixiyay Dagaalo Maanta laba Aag oo ka tirasan Degmooyinka Buuhoodle iyo Laascaanood ku dhex maray Ciidamada Qaranka iyo Kooxo nabad-diid ah.

Wasiirka Gaashaandhigu waxa uu tilmaamay in Kooxahan nabad diidka ah oo maalmihii u danbeeyay isku urursanayay deegaanadaasi ay saaka Lixdii Subaxnimo Weerar gaadmo ah ku soo qaadeen Ciidamada Qaranka isla markaana kala kulmeen jawaab culus iyo difaac aanay maskaxda ku hayn, deegaanada uu dagaalku ka Qarxay ayuu Wasiirka oo ka hadlayay waxa uu Xusay inay ka mid yihiin Xaraar,Danyare,Gacandar,Karin dabayl, iyo Degmada Kala Baydh ee Koonfurta Gobolka Sool oo ay haatan Ciidamada Qaranku ku sugan yihiin, waxa uu Wasiirku sheegay in khasaaraha ka soo gaadhay dhinaca Somaliland dagaalkaasi uu ahaa afar askari oo dhimasho ah iyo Sadex iyo Toban dhaawac ah ,Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami waxaa kale oo uu ka hadlay Khasaaraha gaadhay kooxaha nabad diidka ah waxaanu cadeeyay inay ka qabteen Todoba iyo Afartan Maxbuus oo ay ku jiraan Laba Xubnood oo lagu sheegay  inay Wasiiro ugu magacaaban yihiin Maamulka Maqaar Saarka ah ee Khaatumo- Seeg,Sadex Kornayl oo dagaalka hogaaminayay isla markaana ay ka qabsadeen Sagaal gaadhi oo afar ka mid ahi ay yihiin Tikniko iyo Shan nooca Xamuulka qaada ah.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Jamhuuriyada Somaliland waxa uu cadeeyay in Go’aanka Xukuumada ee dagaalada ka socda deegaankaasi uu yahay mid  u danaynaya ama u adeegaya ummada deegaankaasi ku nool oo u Ooman nabadgalyo waxaanu ku celiyay Baaqii Gogosha nabada ee Madaxweynuhu hore u fidiyay taas oo nasteexo u ah ayuu yidhi dadka ku nool jiidaasi.

Dhinaca kale Wararka ay Wakaalada Wararka ee Solna ka helayso Jiida hore ee dagaalku ka dhacay ayaa sheegaya in ninkii hogaamiyaha ka ahaa Kooxda Khaatumo oo lagu magacaabo Axmed Karaash uu u firxaday Tuulada Boocame ee nawaaxiga Xuduuda ay Somaliland la wadaagto Maamul Goboleedka Puntland.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net