Wasiirka Gaashaan-dhigga oo sheegay inaanay Somaliland ku deg-degi doonin tallaabada la gudboon, jawaabna looga fadhiyo Puntland

Hargaysa (SLpost) – Wasiirka Gaashaan-dhigga Somaliland ayaa eedayn kulul iyo hanjabaad u jeediyay maamul-goboleedka Puntland ee Af-duubka iyo waxyeellaynta wax-shinimada leh u geystay masuuliyiin xukuumadda Somaliland ka tirsan oo wefti ahaan ku tagay degmada Taleex ee Gobolka Sool.

Wasiirka oo Waraysi siiyaya Telefishanka Caalamiga ah ee Horn Cable TV ayaa iftiimiyay in Somaliland aanay ku deg-degi doonin tallaabada la quman isla markaana jawaab laga sugayo ciddii falka waxshinimada leh gaysatay.

“Waxa la sugayaa jawaabta, waxse way dhici karaan, hadiise jawaabta lagu deg-dego wixii dhacay waa la i iloobi karaa, markaa cida hada la sugayaa waa iyaga. Dadkani waxa ay ahaayeen Shaqaale dawladeed oo deegaanka u dhashay, waxay ahaayeen niman horeba deegaanka u tagi jirey. runtii beryahan dambe jawi waxa uu u ekaa mid soo hagaagaya, arrintana waxay cid walba ku noqotay la yaab.” ayuu yidhi Wasiirka Wasaarrada Gaashaandhiga Somaliland Axmed X. Cali Cadami oo u warramayay Talefishinka Horn Cable.

Wasiirku isagoo ka jawaabaya Su’aal ahayd bal suurto-gal inay Xukuumadda Somaliland ay faro-gelin Malatari ku samayso Maamullka Puntland ee Soomaaliya, ayaa waxa uu yidhi “Ciidanku uma dul-qaadanayo waxa uu u arko Caga-juglayn, talaabo kasta oo la qaado talaabadeeda ayey leedahay.”

“Arrintaa imika dhacday waanu ka xunahay sida aanu uga xunahay waa la gaadhsiiyey Puntland, waajib ayey nagu tahay Karaamada ummada waxa u Xil saaran Qaran dhan, arrintaas talaabo talaabo ayaanu ula soconaa, waxaanay arrintaasi keentay dareen badan iyo shaki, loomana dul qaadan karo in Jid-gooyo la isku sameeyo oo waliba dad shicib ah oo deegaankoodii ku socda ma qaadan karno, waana wax aad u fool-xun, waxaanan leeyahay talaabo kasta waxay leedahay talaabo la fil ah.” ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhiga Somaliand.