Wasiirka Gaashaan-dhiga Oo Ka Hadlay Taliyihii Guutadda 3-aad Ee Milateriga Sanaag Oo Ceerigaabo Lagu Dilay

Hargeysa, (SLpost)- Taliyihii ciidamadda koofiyad-casta milateriga ee guutada 3-aad marxuum gaashaanle Siciid Cabdi Warsame, ayaa habeen hore lagu toogtay magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, xili uu taliyuhu ku sugnaa Makhaayad shaaha laga cabo.

Taliyaha ayaa la sheegay in uu toogtay nin ka tirsan ciidanka uu marxuumku xukumi jiray, kaasi oo hore loo xidhay hase yeeshee dhawaan damiin lagu soo daayay. Sida uu sheegay wasiirka gaashaandhiga ee Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami oo warbaahinta u waramay

Wasiirka Caddami waxa uu sheegay in askariga dalka gaystay uu meesha ka baxsaday kadib markii uu taliyaha dilay, kaasi oo aan ilaa hadda la haynin, inkasta oo uu xusay wasiirku in ay ku rejo weyn yihiin in gaan ku dhiig lahaasi la soo qabto.

“Waxaan aad iyo aad uga xumahay anigoo ka tiiraanayaysan tacsi kal iyo lab ah u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ninkaasi sarkaalka ahaa, oo mijirka ahaa, oo magac iyo muunaba ku lahaa Somaliland si gaar ahna qaranka Somaliland kaalin xasaasi ka hayay iyo masuuliyad qaali ah ka hayay koofiyad casta ayuu Siciid Warsame madax ka ahaa, oo taliye looga dhigay, Alle ha u naxariisto Siciid Cabdi Warsame, weli tiiranyadiisii saamayn ayay nagu leedahay cid kasta oo danaynaya ciidanka qaranka ee Somaliland iyo qaranimadaba”ayuu yidhi caddami.

Wasiirka gaashaandhiga oo ka warbixinayay sida uu dilka taliyuhu u dhacay, waxa uu yidhi “Sida la noogu sheegay warka, oo dadka xog-ogaalka ah ee meesha joogay ay noo sheegeen, nin ciidanka ka mid ah, oo aan derejo lahayn oo hore u xidhay taliyaha dhintay, oo muddo xidhnaa, dabadeedna oo cafis lagu soo daayay, ayaa isagoo taliyuhu makhaayad joogay inta badan shaaha ka cabaan dadka masuuliyiinta dawladda ahi, ayuu ninka gacan ku dhiiglahi ugu tegay, dabadeedna gacanta midig iyo gacanta bidix midba xabad rasaas ah kaga dhuftay dadkii meesha joogayna way kala yaaceen markii uu dilku dhacay, waanu dhiig baxay”.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inuu aad uga xun yahay dhiig baxa uu taliyuhu u dhintay, isagoo wasaaradda caafimaadkana ka codsaday inay baadhitaan ku samayso sababta loo waayay in la daaweeyo dhaawaca taliyuhu u dhitay. Waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad uga xumahay oo aan ka codsanayaa wasaaradda caafimaadka inay guddi baadhitaan u dirto, sidee loo odhan karaa gobolka Sanaag oo kale, oo aan ogahay inuu wasiirku u dedaalay, sidee looga waayi karaa unbalance, sidee logoa waayi karaa wax dhiiga laguu joojiyo, side looga waayi karaa dad xiligaa shaqada ku jiray”.
Waxa uu tilmaamay Caddami, in askarigii dilka gaystay uu meesha ka baxsaday, isla markaana lagu dabo jiro in la soo qabto “Waa lagu dabajiraa, oo ciidanka qaranka ayaa ku daba jira, laakiin ilaa hadda gacanta laguma hayo, waxaanuse ku rejo waynahay sidii kuwo horeba loo qabtay oo uu u danbeeyay shil weyn oo horeba loo qabtay oo uu u danbeeyay shil weyn oo ku dhacay isaguna nin abaandule ahaa, ciidankana ka qaxay”
Mar la waydiiyay waxa keenay inuu soo noqnoqday sanadihii u danbeeyay dilka saraakiisha ciidamadda, waxa uu ku jawaabay “Waa wax run ah, wax aanu dafiraynaa maaha dadka khadka difaaca ku wada jiraa, waa walalo oo kale, waa in ay iyagu isku naf baxaan.
cid kasta garwaaqsan kartaa ma jirto iyagii ayaa isku noqday oo xabadii isku riday, waa masiibo inagu cusub ciidamadana ku cusub, yeelkeede talaabadii haboonayd waanu qaadnay, kuwii u horeeyay waanu fulinay dilmadoodii, kuwo danbe oo iyaguna dilal sameeyay waa u diyaar, maxkamadahoodiina, waa la soo dhameeyay, meeshii wax lagu dilayay ayaanu xukunkii gaynay, waana la fulinayaa.
Xukum danbe oo milateri leeyahay oo dad lala sugaayo iyo garnaqsi kale ma jirayo, mid waliba halkii uu ka dhacay ayaa laga fulinayaa waana la xukumayaa” ayuu yidhi wasiirku.

Dhinaca kale Axmed Xaaji Cali Caddami, oo wax laga waydiiyay sida ay wax uga jiraan sansaan colaadeed oo mudooyinkan danbe la sheegay inay ka muuqato xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland, waxa uu sheegay in aanay jirin wax dhibaato ahi. Waxaanu yidhi “Sida wax loo sheegayo iyo sida wax u jiraan isma laha, waa goolaaftan ayaan anigu odhan karaa, wax dhibaato ah oo qoto dheer, oo anaga iyo Puntland naga dhex taagan, oo aan ogahay, oo khatar ahi ma jiraan”.

Somalilandpost.net