Wasiirka Gaadiidka oo Qaabilay Wefti Ka Socda Telafishanka Qaranka ee Finland iyo Arrimo laga wada-hadlay

 

Hargaysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarka Jidadka ee Somaliland, Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay suxufiyiin ka tirsan warbaahinta dowladda ee dalka Finland oo dalka Booqasho ku yimi.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-qoraal kooban oo uu ku saxeexan yahay Madaxa Waaxda Xidhiidhka ee Wasaaradda Ismaaciil Cali Axmed.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarka Jidadka, ayaa u qornaa sidan:-

“Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda Talafayshinka Qaranka ee Dalka Finland waftigan oo ay hogaaminaysay Inka Achte oo ay weliyaan Hanna Karppinen, Tomi Rajala, iyo Sawir qaade Man Tuomo hutri, dhanka Wasiirka Wax kulanka ku wehelinaayey Agaasimaha Waaxda Gaadiidka Muuse yuusuf Ibraahim, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta C/laahi Samadoon, Madaxa Xidhiidhka (Communication Officer) Ismaaciil Cali Axmed.

Waxay labada dhinac kulankan ku gorfeeyen sidii ay u  yeelan lahaayen xidhiidh qoto dheer, waxaanu Wasiirku warbixin ka siiyey xaalada guud ee Dalka gaar ahaan Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka, waxanay waftigan ka socda Talafayshinka Finland sheegen in ay Wasaaradda kala shaqaynayaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayen adeega uu Wasaaradda siiyo Xafiiska Xidhiidhka (Commmunication Office ) ku una qalabayn lahaayen, dhanka kale waxay sheegen in ay gacan ka gaysan doonan Wadooyinka Caasimada Hargaysa sidii loogu samayn lahaa calaamadihii hagaysaasha Gaadiidka.

Ugu danbayntii Wasiirku waxa uu u mahad celiyey Waftigaas ka socda Talafffayshinka Qaranka Finland, waxaanu soo dhaweeyay kaalmada ay sheegen, Waftiga ayaa iyaguna u mahad celiyey Wasiirka iyo masuuliyiinta Wasaaradda ee shirka kala qaybgashay, kulanka aya waxa uu ku soo idlaaday is-afgarad.” Sidaas ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay Xafiiska Xidhiidhka ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

 

Somalilandpost.net

somalilandpost@live.com