Wasiirka Duulista Somaliland Oo Si Qoto-dheer Uga Warramay Marxaladihii Uu Soo Maray Horumarinta Egal Airport

Madaar5Hargeysa, (SLpost)- Waasiirka wasaaradda duulista hadawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa si qoto dheer uga warramay horumarinta madaarada Somaliland iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo mareen.

Wasiirka oo maanta ka hadlayay munaasibad uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xadhiga kaga jaray balaadhin iyo horumarka kale oo laga sameeyay madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal Airport.

Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in horumarinta madaarada Hargeysa iyo Berbera ay ku baxday lacag gaadhaysa 15 milyan oo ay Somaliland ku caawisay dawladda Kuwait. Sidoo kale waxa uu xusay in madaarka Cigaal Airport uu hadda ka mid yahay madaarada caalamiga, isla markaana uu ka gudbay qiimayntii hay’adda madaarada adduunku ay ku samaysay.

HALKAN KA DHEGAYSO HADALKA WASIIRKA OO SI QOTO DHEER U FAAHFAAHINAYA MARXALADIHII UU SOO MARAY HORURINTA CIGAAL AIRPORT:-

Madaar1