Wasiirka Duulista Somaliland Kulan La yeeshay Dhiggiisa Turkiga Iyo Shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines

Istanbuul (SLpost)- Wasiirka Duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo socdaal shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa kulamo la yeeshay dhigiisa wadankaasi iyo shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airline oo ay ka wada hadleen sidii ay dhawaan duulimaadyo toos ah uga bilaabi lahayd Somaliland.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu galabta soo saaray afhayeenka wasaaradda duulista Saddaam Maxamed Axmed, waxaanu war-saxaafadeedkaasi u qornaa sidan:-

KULANAK (3)“Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo todobaadkii ugu dambeeyey safar shaqo ku joogay dalka Turkiga ayaa kulamo muhiim ah oo najiito wanaagsani ka soo baxeen la yeeshay madax sare oo ka tirsan dawlada Turkiga.

KULANAK (1)Wasiirka oo ay wehelinayeen laba Khabiir oo ka tirsan Wasaaradda Duulista Somaliland ayaa waxa ay shalay Magaalada Istanbul kulan kula yeesheen Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaadhiinta Turkiga Mr. Lutfi Elvan, kaas oo ay ka wadahadleen wada hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaan sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka hawada ee laba dhinac u dhaxeeya, Wasiir ka duulista ayaa dhigaasa Turkiga u bandhigay baahiyaha kala duwan ee madaarada Somaliland doorka horumarineeed ee ay dawlada Turkigu ku yeelan karo.

Wasiirka Duulista ayaa sidoo kalena kulan la yeeshay Maareeyaha Guud ee shirkada Duulimaadyada ee Turkish Airlines Dr Temel kotil iyagoo ka wadahadlay sidii ay shirkadaasi Duulimaadyo ugu bilaabi lahayd Madaaradda Somaliland, labada dhinac ayaa isku afgartay in diyaarada Turkish Airlines ay duulimaadyo Bisha June ee sanadkan ka bilowdo Madaarka Cigaal International Airport ee Hargeysa.

KULANAK (4)Geesta kalena Wasiirka Duuliislta Somaliland ayaa maanta gaadhay Caasimada Turkiga ee Ankara isaga oo la kulmay Maareeye ku xigeenka xafiiska xidhiidhka iyo mucaawinooyinka u qaabilsan Raysal wasaaraha Turkiga ee loo yaqaan Tikka, Mr. Sureyya Polat. Maareeye ku xigeenka ayaa Wasiirka Duulista Somaliland u qaabilay si heer sare ah, Mudane Maxamuud Xaashi ayaa u gudbiyey Xafiiiskaasi mashriic dhawr ah oo lagu horumarinayo Madaarda Somaliland.

KULANAK (2)Maareeyaha xafiiska ayaa balan qaaday inay daraasad ku sameynayaan mashaariicdaasi, sidoo kale Xafiiska Tikka ayaa balanqaaday in bishan April dabayaaqadeeda ay ku caawin doonaan Madaarka Cigaal Airport hal gaadhi oo dab demis ah Nooca ugu dambaayey, gaadhigaasi oo ka Wasaarad ahaan aanu baahi weyn u qabnay, iyadoo Wasiirkuna Dawladda Turkiga ee aynu walaalaha nahay uu ugu mahad naqay deeqda gaadhigaasi dab dhamiska ah.”

SOMALILANDPOST.NET