Wasiirka Duulista oo Ka Hadlay Xujaajta Somaliland iyo Kuwo Dalalka Jaarka Ah Oo Toos Uga Tagaya Hargeysa

 

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay xujaajta sanadkan tagaaya xajka oo toos uga bixidoona madaarka Cigaal ee magaaladda Hargeysa.

madaarka ayaa sanadkan xarun u noqon doona xujaajta kala duwan ee ka soo xajaaya Somaliland,Somaliya iyo meelo kaleba, waxaan ay diyaraduhu toos uga qaadayan madaarka Cigaal iyaga oo toos u gaynaaya dalka Sucuudiga.

Mudane Xaashi oo Saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu  yidhi “Waxaanu halkan Garoonka Cigaal International Airport ka anbabixinaynaa, Xujaajtii Sanadkan 2015ka, ka Xajaysay Somaliland qayb ka mid ah, oo u baqoosha Dhulka barakasan ee waajibaadka Rugnigaa Diiniga ah ee Xajka lagu soo guto Maka, farxad weyn ayey noo tahay Wasaaradda Duulista iyo Shaqaalaheeda oo heegan u ah arirmaha bulshada, gaar ahaan Dadkan Dalkooda hooyo ku soo guryo noqonaaya, ama Dalka ka dhoofayaba, in ay adeegyo faro badan u sameeyaan.”

W5(30) W3(43)

Wasiirka Duulista Somaliland ayaa waxa sidoo kalena uu ka hadlay saamynta ay leedatay horumarinta lagu sameeyey madaarka Cigaal waxanu yidhi “waxaanu Maanta ku kalsoonahay Garoonkeenu maadaama uu hanaqaaday oo uu horumar balaadhan uu sameeyay mudadii ugu danbaysay ee Xukuumadan Axmed Maxamed Siilaanyo  tallada dalka haysay, in ay Dadkaasi la kulmayaan adeegyo hufan, sidoo kale Ilaahay Mahadii weeye Duulimaadyadan Maanta Hargaysa ka duulaya ee Xajku waxay noqonayaan kuwo toos ah oo meel kalena aan ku baydhayn, oo ay ku tagaan meeshii ay ku socdeen,”

Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Waxa kale oo Sanadkan isaguna, maadaama uu yahay Garoonkii Garoon weyn oo hab ah oo kulmiya Waddamo badan oo Geeska Africa ah Dadka u kala goosha, waxaa iyana ku cusbaan doona Xujaajta Duulimaadyo Habeenimo ah oo Dhulal kale iyo Waddamo awal la marin jiray, in halkan laga dhoofiyo, Dadkaa xujaajta ah ee Soomaaliya iyo Somaliland ba ka Xajaaya, in halkan lagu kulmiyo oo laga dhoofiyo, adeegyadaas oo dhan ayey Wasaaraddu u diyaarisay, waana waxa Garoonkan Magaciisa iyo Meeqaamkiisa kor u qaadaya, Ilaahay Waxaan ka rajaynayaa in uu ka aqbalo Dadkaa xujaajta ah, ee waajibaadka Alle u Hogaansamay, anagana ajar iyo xasanaad uu nagasiiyo,”

Wasiirku mar uu ka hadlayey tirada xujaajta ah ee sanadkan la filayo in ay ka dhoofaan Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal, waxa uu yidhi:-“ Dadka reer Somaliland ee sanadkan Xajayaa waxaan ku qiyaasi karaa 2000 ilaa 2500 (Laba Kun Ilaa iyo Labakun iyo Shan Boqol), waxaa jira Dad kale oo ka xajaaya Wadanka aynu walaalaha nahay ee Soomaaliya, gaar ahaan oo halkan soo maraaya, iyagana waxaan ku qiyaasayaa 1500 (Kun iyo Shan Boqol) waxaa jira Dad kale oo iyana meelo kale laga keeni doono oo aanu ugu talo galnay in habeenkii halkan laga qaado, adigu qiyaas ahaan Dadka sanadkan ka baxayaa Garoonkan Cigaal waxa ay noqonayaan ilaa 5000 (Shan kun oo Qof).”  Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

Qaar kamida Xujaata Sanadkan tagyey Xajka ee ka dhoofay Madaarka Cigaal oo iyaguna warbaahinta ka hadlay ayaa cabiray Dareenkooda, waxana hadladii dadkaasi ka mid ahaa “ waxaan ka mid ahay Xujaajta ka timid Gobolada Somaliland ee ka dhoofaysa Madaarka Hargeysa ee Caalamiga ah, runtii Madaarku waa casri oo si fiicana ayaa loo habeeyey, shirkadaha Diyaaradaha ee Daallo iyo Juba, waxay u shaqynayaan nidaam ka fiican kii hore, waxan loo shaqynayaa si aad u fiican, Diyaaradaha kuwii hore waa la badalay, oo kuwo waaweyn oo cusub ayaa shaqynaya, aadbaanu ugu mahad naqyanaa, waanu ku farax sanahay sida maanta Madaarka nagloogu adeegay iyo sida wax looga qabtayba.” Ayuu yidhi.

Muwaadin kale oo Reer Somaliland ayaa isaguna sheegay inay hawl wadeenada madaarka kala kulmeen soo dhawayn iyo adeeg hufan waxaanu yidhi “ Adeega aanu manata halkan kala kulanay Walaahi mid la soo koobi karo maaha, anagu dee suuqa ayaanu joognay oo sheeko kale ayaanu ka qabnay, laakin imika markaanu nimid, waxanu aragnay, Garoonkii oo si fiican looga shaqeeyey oo loo hagar baxay, waanu la dhacday, adeega iyo shaqaaluhuba aad bay u fiican yihiin maraa waalixd.”

Hooyo ka mida dadkii Taraasidka ku ahaa Madaarka Cigaal ee ka dhoofayey oo iyaduna warbaahinta ka hadashay ayaa tidhi “ Aniga macagaynu waa Batuul Cumar Cabdiraxmaan, waxaan ka imid Gaalkacayo halkan Transit ayaan ku ahaa, si fiican ayaa naloo soo dhaweeyey Masha Allah, shaqaalaha madaarkuna si wanaagsan ayey noogu adeegeen.”