Wasiirka Duulista Hawada oo Sharraxaad ka bixiyey Mashaariic hor leh oo laga hirgeliyey Madaarka Diyaaradaha Hargeysa oo maanta xadhigga ka jaray

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa xadhigga ka jaray mashaariic hor leh oo laga kordhiyey Madaarka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka Duulisya oo ay wehelinayeen Wasiirka Hawlaha Guud  iyo Guriyeynta  Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Wasiiru-dawlaha Wasaarada Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee Madaarka Cigaaal Airport iyagoo soo maray goobaha laga fuliyey Mashaariicda cusub.

mashruuc (2)Wasiirka Duulista iyo Hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo kormeerkooda ka dib saxaafadda la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey Mashaariicda ay maanta xadhigga ka jareen waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Mashaariicdan aynu saaka soo bandhignay ee aanu furnay, waxay ahaayeen labaatan mashruuc oo bilihii ugu dambeeyey aanu hirgalinay, Illaahay-na nagu garab galay, mashaariicdaas waxaa ka mid ah laba ETD  iyo laba mishiin oo kuwa shandahaha lagu baadho ah oo aan dhignay albaabka hore si dadka iyo alaabta ay sitaan loogu baadho. Mishiinadaasi hore ayaanu laba u dhignay gudaha madaarka, laakin waxaanu garwaaqsanay in baadhidda gudaha maahee mid kale loo baahan yahay oo waliba xagga dibada ah, taasi oo sare u qaadday ammaanka garoonka,” ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaas ku daray, “Waxa kale oo garoonka ka maqnaa qalab lagu baadho shandadaha dadka soo degayaa ay sitaan,  imika waanu soo kordhinay qalab baadhaya wixii alaab laga soo galo waddanka, qalabkaasi cashuurta ayaanu ku ilaalin doonaa. Qalabkani wuxuu qabtay alaabo laga soo baadhay Madaarka Jomo Kenyata ee Nairobi, waxaana ku jiray qalab khatar ah oo mindiyo ay ka mid ahaayeen, waxaanay taasi muujinaysaa tayada alaabta aynu haysano, waa Mishiino looga soo iibiyey Jarmalka,” ayuu yidhi Md Maxamuud Cabdi Xaashi.

mashruuc (1)Wasiirka Duulista waxa uu sidoo kale ka hadlay ballaadhin lagu sameeyey qaybta dadku ay ka dhoofaan (Departure Terminal) ee madaarka Diyaaradaha Hargeysa, waxaanu yidhi, “Waxaanu ballaadhin, qurxin iyo qaabayn ku samaynay Terminalka laga dhoofo, qaybta shandadaha lagu miisaamo waayo dadkeena dhoofaa mar walba sare ayey u kacayaan, marmarradii ayaanu badinay, albaabo cusub oo waaweyn oo quraado ah ayaanu ku samaynay, dabaq ayaanu ku kordhinay qaybta laga dhoofo, waxa hadda ay qaadaysaa  750 qof, waana halka ugu cuslayska badan madaarka, waayo dadku saacado ayey fadhiyaan oo diyaaradda ku sugayaan. Qaybtaasi waxay ahayd markii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo talada dalka qabatay meel ay fadhiistaan 50 qof,  maanta wuxuu qaadayaa 750 qof, halkaas waxaad ka garanysaa sida wax isu beddeleen. Waxa kale oo oo Madaarkeenu uu qaadayaa oo halkii saac ka dhoofi kara Kun (1000) qof, waa meel aynaan hore u gaadhin.”

IMG_2791Wasiirka ayaa sidoo kalena intaasi ku daray, “Dhisme cusub ayaanu u samaynay mishiinka cusub ee alaabta la soo dagaysay lagu baadho, waxa kale oo aanu dib-u-dhis ku samaynay qolka mishiinka alaabta dadka dhoofayaa ay sitaan. Sidoo kalena, waxaanu samaynay qol cusub oo Business Center qolkaas oo si heersare ah aanu u qalabaynay, waxa kale oo aanu soo kor dhigay laba barkadood oo waaweyn oo biyaha lagu kaydiyo, sidoo kalena waxa aanu dib u habayn ku samaynay VIP-yada oo qaabka loo galayo iyo halka ay albaabada ku leeyihiin aanu hagaajinay. Waxa kale oo aanu samayanay Jardiinooyin, mutulayaal iyo meelo ay dadku ku nastaan oo ay eheladooda soo dagaya ku sugaan. Waxa kale oo aanu sare u qaadnay heerka nadaafadda madaarka qaybihiisa kala duwan, sidoo kale waxaanu soo kordhinay laba mishiin oo kuwa laydhka dhaliya ah oo  oo cusub, kuwaas oo hadii si deg-deg ah loogu baahdo aanu ugu talo galanay in la shito, waayo laba Laydh ayaanu isticmaalnaa, midi waa Shirkadda KAAH, kan kale waa Laydh laga dhaliyo Dabaysha oo aan wax kharash ah nagu tagin.”

Wasiir Maxamuud Xaashi waxa kale oo uu sheegay, “Mashaariicdaasi labaatanka ah ayaanu hadda hirgalinay. Waxa kale oo hada noo qorshe ah labaatan mashruuc oo kale oo aanu wakhtiga xagaaga samaynayno, waxaas oo dhanna waxaanu uga gol-leenahay in ammaanka Madaarka sare loo qaado, sidoo kalena bilicsiida aanu wanaajinno. Madaarkani wakhtigii aanu talada dalka qabannay wuxuu ahaa Heerka Labaad, hadda waxaanu  gaadhiisanay Heerka todobaad , waxaananu hiigsanaynaa in aanu wakhtiga xagaaga gaadhno Heerka 10 oo ah heerka ay dajisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada adduunka,” ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawada oo ka war-bixinayay mashaariic hor leh oo laga hirgeliyey Madaarka Egal International ee magaalad Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET