Wasiirka Duulista Hawada Oo Dhagax Dhigay dhisme lagu kordhinayo Qaybta Dadku Ka Dhoofaan Ee Madaarka Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Duulista Hawada Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta dhagax dhigay dhisme lagu balaadhinago goobta dadku ay ku nastaan marka ay ka dhoofayaan Madaarka Cigaal International airport, kaas oo sheegay in balaadhintan ay keentay tirada dadka ka dhoofaya Madaaka oo kordhaya.

Wasiirka Duulista Hawadu waxa kale oo uu sheegay in balaadhinta terminal-ka garoonka Hargeysa ay tahay markii afraad ee ay balaadhin ku samayso xukuumada Kulmiye intii ay jirtay, kaas oo tilmaamay in dhismahan cusub ee lagu kordhinayo goobta dadku ka dhoofaan ay la kaashadeen dhismaheeda shirkadaha Diyaaradaha ee Juba, Daalo iyo Afrika.

“Waxaanu maanta dhagax dhigaynaa Terminal-ka laga dhoofo ee madaarka Cigaal international Airport, mudadii xukuumadan Kulmiye dalka haysay waa balaadhintii afrad ee lagu sameeyo Terminal-kan, ujeedada loo balaadhinayana marba waxa weeyi in la kordhiyo xadiga ka dhoofaya Madaarka ee fadhiisanaya ee ku nasanaya ayay ka turjumaysaa, waxay taasi ka markhaati kacaysaa inuu kordhayo dhaqdhaqaaqa duulimaadyada ee garoonka caasimadu oo sanadkii hore ay ka dhoofi jireen 90,000 qof maantana qorshaha qiyaastayadu  uu gaadhi doono dad aan ka yarayn Nus Malyuun inuu qaadhi doono mustaqbalka. Sidaa darteed ilaa iyo inta Terminalo casriya oo waaweyn oo meelahan ka duwan laga dhisayo, iyadoo Master plan aanu u samaynay garoonka oo mustaqbalka dheer aanay ina anfici doonin kuwani waa in marba qayb loo kordhiyaa.

Duulista5Balaadhintani waxa ay noqon doontaa in dhismaha hada ee Terminal-ka dadku ka dhoofaan qayb la qaado oo wajahada loo qaado oo dabaqna laga dhigo oo qayb kale la saaro, waxaanu filaynaa in korodhsiimadaasi ay ilaa boqol qof qaadi doonto, markaa Terminal-ku waxa uu noqon doonaa mid qaada ilaa dhawr boqol oo qof, waayo marka imika saddex diyaaradood oo waaweyni ay ku dagaan oo min 150 qaadaya waa 450 qof, runtii waxaanu u sahaminaynaa inaanu culaysyadaa oo dhan ku jabino, maalinba maalinta ka dambaysa travel-keenu wuu kordhayaa, mustaqbalka dheerna waxaanu diyaarinay barnaamij seeska u dhigaya in terminal cusub oo kuwan ahayn iyagoo kuwani jira meelo kale laga dhiso marka aynu u helno dhaqaale”.

Wasiirka Duulista Hawada, Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kale sheegay inay la kaashanayaan dhismaha cusub ee lagu kordhinayo Terminalka Madaarka Hargeysa shirkadaha Diyaaradaha ee dalka ka hawlgala gaar ahaana saddexda diyaaradood ee Juba, Daallo iyo African Airways.

“Mashruucan waxa iska kaashanaya wasaarada duulista iyo shirkadaha diyaaradaha oo qaadhaan fiican ka bixinaya sida shirkada Juba, Daallo iyo Africa ayaanu iska kaashanaynaa,” ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawada Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net