Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi oo Xaqiijiyey in Maalinta Barri ah (Jimce) Ramadaan Kow tahay

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Diinta Aw-Qaafka Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi, ayaa shaaca qaaday in dalka Somaliland laga Xaqiijiyey Bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan isla markaana Maalinta Barri ee Jimcaha ah ay Bilow tahay Bisha Ramadaan.

Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaaftu waxa uu sheegay in Muwaadiniin dalka u dhashay ay Arkeen Bilashada Bisha Ramadaan isla markaana la dhaariyey, waxaanu Wasiirku shacabka Somaliland ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan Kheyrka Bisha Ramadaan isla markaana ay Xoogga Saaraan Gudashada Cibaadada Eebbe ku faral yeelay addoomihiisa Muslimiinta ah, gaar ahaan Salaadda Taraawiixda.

“Waa Bil mudan in la ilaaliyo, Haddaynu nahay Muslimiin nahay, Illaahayna innagu waajibiyey inay ka soo baxno waajibkeeda,” ayuu yidhi Wasiirka oo ka hadlayey Kheyr ku duugan bisha Ramadaan. Waxaanu intaas ku daray, “Wasaaradda Diinta iyo aw-qaafu sidii caadada u ahayn, waxa ay la xidihiidhay gobollada iyo Degmooyinka Dalka si loo xaqiijiyo bilashada bisha Ramadaan. Waxa ka sugnaatay dalkeenna Bilashada bisha Barakaysan ee Ramadaan oo laga Arkay magaalada Burco.”

Wasiirka Diinta iyo aw-Qaaftu waxa uu sheegay in Guddida Wanaag-farista, Culimada Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafka iyo Maxkamadda Gobolku ay si wada-jir ah u dhaariyeen dadkii arkay bilashada bisha Ramaadaan. Waxa kale oo uu Wasiirku sheegay inay Xaqiijinta Bilashada Bisha ku darsadeen dalalka Khaliijka oo Guddiyadooda Qaabilsan Shaacinta bilashada Ramadaan sheegeen inay Maalinta Barri ah la soomayo.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta waxa uu sheegay inay tahay fursad sanadkiiba mar soo marta umadda Islaamka waajibkeedana ay tahay in loo guto sida diintu ina farayso, lagana ilaaliyo wixii dhaawac u keeni kara Soonka iyo dadka sooman laftooda, halka sidoo kalena uu u digay dadka caadaystay in ay bisha barakaysan ee Ramadaanta manfac ka raadiyaan iyagoo cunto xaaraan ah ku diyaarinaya meelo qarsoon.

Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaaftu waxa uu mahadnaq Warbaahinta dalka gaar ahaan Shabakadaha Wararka Somaliland oo uu sheegay inay si joogto isaga ula xidhiidhayeen si ay uga xaqiijiyaan Bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net