Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta oo Xabsiga Dhexe ee Hargeysa Gaadhsiiyey Deeq loo talo-galay Maxaabiista

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil C.laahi Axmed ayaa maanta gaadhsiiyay xabsiga dhexe ee magaalada Hargaysa deeq ka kooban Afar boqol oo kitaab iyo afar boqol oo garamada la xidho .

Deeqdan ayaa loogu talo galay in maxaabiista ku jirta xabsigu ay kala socdaan casharka tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah isla markaana ay maxaabiistu si toos ah ugala soconayaan casharada ka socda Masaajidada Rusheeye iyo Sh.Cali Mataan .

Waxaa Munaasibadaasi goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka ee Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid iyo taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland Xasan Cali Dheere .

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska ayaa tilmaamay faa’iidada balaadhan ee deeqdani u leedahay maxaabiista ku jirta xabsiga

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sh.Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa ka waramay qiimaha uu barashada kitaabka qur’aanka ahi u leeyahay aadamaha iyo sida ay waajib u tahay in la iska xil saaro sidii maxaabiistu ay aqoontooda diineed kor ugu qaadi lahaayeen waxaana gaba gabadii Wasiirka Awqaaftu uu kutubtan  si rasmi ah ugu wareejiyay Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Somaliland.

SLpost News/Hargeysa