Hargeysa (SLpost)-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Md. Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa maanta Masaajidka Nakhiil ee Magaalada Hargeysa ka furay tartan isugu jira Xiftiga Quraanka Kariimka ah yo Axaadiista Nabigeenii Maxamed (NNKH), kaas oo ay ka qayb-qaadanayaan Arday isaga ka kala socotay gobollada Dalka.
Furitaanka tartankan Quraanka Kariimka ah iyo Axaadiista waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha iyo dhanliyarada iyo Dalxiiska Somaliland Md. Cali siciid Raygal , Xirsi Xaaji Cali Xasan la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Bulshada Barkhad Jaamac, Cabdiraxmaan Aadan Shire, Salaadiin, Culumo-Awdiin iyo Dadwayne, Culimo-Awdiin Iyo Dadweyne kale oo tiro badan, waxaana ugu horayn ka hadlay halkaaas C/raxmaan Aadan Shire oo ka mid ah masuuliyiinta soo qaban qaabisay tartan aqooneedkan waxa uu sheegay inay ka qayb-qaadanayaa tartankan diiniga ah 490 Arday oo kala jooga lixda Gobol ee ugu waawayn dalka kuna tartami doona 30-ka, 20ka iyo 10 jis ee qur,aanka kariimka ahiyo axaadiista nabigeenii suubanaa ee Maxamed (NNKH)..
Wasiirka wasaarada Dhanliyarada iyo Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Cali Siciid Raygal oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraada qiimaha uu leeyahay Barashada Quraanka kariimka ah iyo axaadiista nabigeena (Scw), isagoo dhanliyaradii tartankaasi ka qayb-qaadanayey ku booriyey in dhigooda tahriibiya ay ka wacyi-galiyaan in aanay naftooda halaagin oo aanay u baqoolin dalal aanay waxba u oolin, waxaanu yidhi “Waxa loo baahan yahay Dhalnyaradiinan maanta (shalay) halkan is-kugu yimi qof walba waxa uu arkaa nuurka ka baxaaya Wajigood iyo akhlaaqda wacan, markaa Diintu waa ta aaqiro iyo Ifkaba ku afacaysa. Waxa loo baahan yahay inaad dhalinyarada ka Tahriibaysa Dalkooda aad ka wacyi-galisaan inay naftooda hallaagin.”
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Sheekh C/risaaq Xuseen Albaani Iyo Suldaan Maxamed Muuse Nuur Abu-sufyaan waxaanay Madaxweynaha Somaliland iyo xukumadiisaba uga mahadnaqeen furitaanka idaacada quraanka akriimka ah ee Radio Hargaysa oo ahayd mid ay Bulshadu u baahnayd.
Gaba-gebadii waxa tartankaasi xifdiga Qur,aanka kariimka ah iyo Axaadiista Nabiga (SCW),furay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta somaliland Sheekh Khaliil C/llaahi Axmed oo tilmaamay in taratankani yahay kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee lagu qabto Dalka Somaliland, kaas oo lagu tartamaayo axaadiista nabiga (NNKH ) isla markaana ay wasaarada ahaana dhiiri-galinayaan tartanada noocan ah hirgalintooda, waxaanu yidhi. “Maanta (shalay), waxaynu dalka ka furaynaa tartankii ugu horeeyay ee noociisan oo kale dalka laga hirgaliyey, markaa anagu Wasaarad ahaan aad ayaanu soo dhawaynaynaa oo aanu ugu dhiirigalinaynaa inay halkaas ka sii wadaan. Waxaana u mahad-naqayaa dadka arrinta ka qayb-qaatay oo dhan, waxaana leeyahay halkaas ka sii wada dedaalka.”