Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta oo Deeq Xoolo-dhaqaneed ah ku Wareejiyey 32 Qoys

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sh.Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa maanta deeq xoolo-dhaqaneed ah gudoonsiiyay Todoba iyo Sodon Qoys ,deeqdaas oo ay ku caawisay hay’ada Munadamatu dacwa al Islaamiya .

Madaxa hay’adaas ee dhinaca waxbarashada Sh. Maxamed Axmed Kaahin ayaa sheegay in deeqdan xoolaha ahi ay ka kooban tahay lix boqol oo neef oo adhi ah,Sadex iyo Konton neef oo geel ah iyo Boqol iyo Konton neef oo Lo’ ah kuwaas oo uu dhamaantoodba  xusay inay yihiin Xoolo dhaqmaad ah, Mas’uulkani waxaa kale oo uu intaas ku daray in qoys kastaba la gudoonsiiyay shan neef oo lo’o ah iyo labaatan adhi ah,Waxaa kale oo uu sheegay in qoysaska qaarna la gudoonsiiyay Sadex neef oo geel dhaqameed ah,waxaa kale oo Sh,Maxamed Axmed Kaahin uu ka waramay Qorshaha hay’dan ee ku wajahan wax u qabashada dadka danyarta ah.

Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sh.Khaliil C.laahi Axmed ayaa sheegay in hay’ada Munadimatu dacwa al Islaamiya ay door muhiim ah kaga jirto taakulaynta dadka danyarta ah ee ku tabaaloobay abaarihii dalka soo maray,Wasiirka awqaaftu waxa uu tilmaamay in deeqdan xoolaha ahi ay wax weyn ka tari doonto nolosha dadka danyarta ah.

Advertisement

Sh Khaliil waxa uu ku booriyay dadka danyarta ah ee xoolahan loo qaybiyay inay sida ugu haboon uga faa’iidaystaan.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Madaxa hay’ada Munadimatu dacwa al Islaamiya Dr C.qani Muuse Yuusuf ayaa ka waramay kaalinta horumarineed ee hay’adani ka qaadato nolosha dadka danyarta ah.

SLpost News/Hargeysa

Follow us On