Wasiirka Daakhiliga Somaliland Oo Qaabiley Maleeshiyo Beeleed ku hubaysan gawaadhiga gaashaan oo ka soo jeeda Koonfurta Sanaag

Ceerigaabo, (SLpost) ­– Maleeshiyo beeleed ka tirsan beesha Koonfurta Gobolka Sanaag oo watay laba gawaadhida Gaashaaman ee Milatariga (Tikriko) ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Ceerigaabo.

Waxa si weyn loogu soo dhoweeyey magaala-madaxda gobolka Sanaag ee Maleeshiyo beeleedkan oo sida la sheegay markii hore ka soo horjeeday Somaliland, waxa duleedka magaalada Ceerigaabo kaga hor tagay saraakiil ka tirsan ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland oo uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland, waxaana loo galbiyey dhinaca gudaha magaalada Ceerigaabo gaar ahaan guriga ay deggan yihiin Weftiga uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo isaga iyo weftigiisu dhallinyaradaas ciidanka ah halkaas ku qaabbileen iyadoo goobjoogna ay ka ahaayeen madaxda heer gobol iyo degmoba ee Ceerigaabo iyo dadweyne kale oo tiro badani.

Waxaana ugu horrayn faahfaahin ka bixiyey ciidankan Maxamed C/maalik oo koonfurta sanaag kasoo jeeda isagoo yidhi “ Dhallinyarada ciidanka innoo timid ee maanta madaxdooda aad arkaysaan intan kuma dhamma waannuna soo dhowaynaynaa waayo waannu isu baahnayn waana ku mahadsan yihiin mar gaddii ay garteen dadkooda iyo dawladdooda ionay ku biiraan waxna la qaybsadaan bulshada iyo xukuumaddaba” wuxuna intaas kusii daray “Waxannu caddaynaynaa dhallinyaradani ma aha SSC kamana jirto halkan wax SSC layidhaahdee idaacadahaannu ka maqalnaa waa dhallinyaro ciidan-beeleed mucaarad ahaa oo innaku soo biiray”.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Cadi Xaabsade Maxamed Kaahin Axmed  oo iyaguna katirsan xubnaha weftiga wasiirka Daakhiligu hoggaaminayo

Waxa isaguna dhiniciisa hadal kooban oo mahadnaq halkaas ka yidhi Ismaaciil Suldaan C/raxmaan oo isaguna hoggaaminaya Xubno Golaha guurtida oo maalmahanba Ceerigaabo ku sugnaa.

Kuwaas oo dhammaantood sooo dhoweeyey dhallinyaradan mucaaradka hore ahaa ee maanta usoo galay xukuumadda Somaliland.

Sikastaba ha ahaatee arrintan ayaa u muuqata inay qayb ka tahay isusoo dhowaanshaha hawsha nabadaynta ee weftiga wasiirka arrimaha gudaha Somaliland beryahan ka wadeen magaalada Ceerigaabo oo dhowaan shaqaaqooyin ka dheceen.

SLpost News Desk

yaasiin_29@rocketmail.com