Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo xilka kala wareegay Wasiirkii hore iyo Nuxurka hadallo laga jeediye Madashii Xil-wareejinta

Hargeysa (SLpost)-Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Somaliland Axmed Cabdi Kaahin(casood), ayaa Xilkii wasaaradda Kala Wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradaas Cali Siciid Raygal, iyadoo sidoo kalen Wasiir-ku-xigeenka Cusub ee Wasaaraddaas Yuusuf Siciid Garas oo isaguna Shaqadii Bilaabay.

Munaasibadda Xil-wareejinta oo ka dhacday Hoolka Shirarka ee Wasaaradda, ayaa waxa Kasoo Qaybgalay Masuuliyiin kala duwan oo qaranka ka Tirsan, Shaqaalaha Wasaaradda iyo Marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana laga jeediyey Hadallo lagu soo dhaweynayey Wasiirkii Hore, isla-markaana lagu soo dhaweynayey Masuuliyiinta Cusub ee Wasaaradaas Gadh-wadeenka ka noqday.

HALKAN KA DAAWO