Wasiirka Cusub Ee Shaqada Oo Xilka Wareegay Iyo Wasiirkii Is-casilay Oo Lagu Eedeeyay Inuu Hanti Qaran La Maqan-yahay

Hargeysa (SLPOST) – Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Cismaan Sheekh Muxumed, ayaa Maanta la wareegay Xilkaasi, kaasi oo Madaxweye Siilaanyo u Magacaabay Toddobaadkii hore.

Wasiirka Cusub ayaa Xafiiska la wareegay Wasiirkii hore oo aan ku wareejin, kaasi oo sida Wasiiru-Dawlaha Wasaaraddaasi sheegay inuu ka dhego-adaygay inuu Wareejiyo xilka iyo Agab uu Gacanta ku hayey, kuwaasi oo uu ka mid yahay Gaadhigi Wasaaraddu leedahay.

Wasiirka Shaqada

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mr. Obsiiye ayaa xilka Wasaaraddaasi iska Casilay Toddobaadkii hore, isla-markaana ku biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, isagoo taasina ku sababeeyay haddii uu Xilka sii hayo in Beeshiisu Doorashada Madaxtooyada ay Codkooda siinayaan Musharrax aanu isagu doonayn.

Halkan Hoose Ka Daawo Warka Wasiirka cusub ee xilka la wareegay