Wasiirka cusub ee Daakhiliga oo ka hadlay mawqifkiisa diga-rogasho ee UDUB iyo KULMIYE iyo Xilka culus ee loo igmaday

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ee aan wali xilka la wareegin Maxamed Nuur Carraale  (Duur), ayaa shaacay ka qaaday in maanta laga bilaabo aanay Saxaafaddu ugu soo hagaagi doonin masuul arrimaha Xisbiga UDUB wax ka weydiiyey, isla markaana marka ay dhinaca Xisbiyada noqoto uu ka tirsan yahay Xisbiga talada haya ee KULMIYE.

“Saxaafaddu waxay eegata goldaloolada, goldaloolada aan beryo hore lahaa oo ahayd in tacabkayga, tamartayda iyo ujeeddadaydu ay kala duwanayeen. Ujeeddadaydu UDUB ayay ahayd tacabkayga iyo tamartayduna waxay galeen KULMIYE. Markaa, labada arrimood waan is waafajin kari waayay sharciga dalka u yaalla awgeed. Sharciga dalka u yaallaa wuxuu qirayay inaan Xildhibaanku Xisbigii uu ka soo baxay aanu ka tagi karin.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Duur, oo shalay hadal ka jeediyey Xaflad-maamuus qado ah oo loogu sameeyey Huteelka magaalada Hargeysa. Wasiir Duur oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo yidhi; “Laakiin, shuruucda dalku qofka garaadkiisa iyo doorashadiisa may kaantarroolin, sidaa awgeed waxaanu ku shaqaynay Caqli iyo calaamad aan is lahayn.”

Wasiirka Arrimaha guduhu Maxamed Nuur Carraale (Duur), waxa uu sheegay inuu Axaddii toddobaadkan wareejiyey Xubinnimadii Wakiillada, isla markaana aanu ka tirsanayn, waxna laga weydiin karin arrimaha Xisbiga UDUB ee uu Mudanayaasha Golaha Wakiillada ugu jira ka mid ahaa. Sidaa daraaddeedna, waxa uu Saxaafadda u soo jeediyey inuu dhammaaday wakhtigii gal-daloolooyinka UDUB ay ka waraysan jireen. “Waxaan shalay (dorraad) wareejiyey xilkii Xildhibaannimo oo la-iga aqbalay is-casilaaddaydii. Sidoo kale, waxaan wareejiyey xubinnimadii Xisbiga UDUB laga bilaabo maanta (Shalay) sida Xukuumadda maanta jirtaaba ay ku dhisan tahay ee KULMIYE, sidaa Muuse uu sheegay waxaan ahay xubin ka tirsan KULMIYE. Markaa, Saxaafaddu halkii ay iga soo gali jirtay ee ahayd UDUB baad tahay ee bal warran way dhammaatay.” ayuu yidhi Wasiir Duur.

Wasiir Duur oo Bahda Warbaahinta la hadlayaa waxa uu yidhi; “Muddo immika laga joogo lix sannadood ee aan golaha wakiillada markay u yartahay shan sannadood waxa kala duwanaa taageeradayda iyo tacabkayga oo ahaa xisbiga KULMIYE ama ujeeddadayda ama calaamaddayda oo ahayd Xisbiga UDUB . Haddii aad tihiin Saxaafadda waxaad tihiin niman Xirfadlayaal ah (Professional) qofka idiin warramaya waxaad eegataan halka uu iinta ka leeyahay dabadeedna halkaa ayaad iga soo gali-jirteen, waxaad i odhan jirteen waxaad tahay Xildhibaan UDUB ah haddana sidan ayaad wax u waddaa xadka sidaasa waxa la ixtiraamayay qalbigayga iyo taageeradayda sidaan Xisbiga u siiyey. Waxaan ixtiraamayay oo aan ilaalinayay sharciga dalka oo xeer lambar 14 ayaa wax uu dhigayaa xubinta xisbi ka soo baxday ee Baarlamaan in aanay ka bixi karin xisbiga.”

“Laakiin, qalbiga iyo qofka mooraalkiisa cid kala goyn kartaa ma jirto. Markaa, sharciga ayaan ilaalinayay, shalay (dorraad) waxaan wareejiyay xubintii golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ahayd xil Qaran. Xilka Qaran ee aan wareejiyey waxa raacay laba wax, kursigii Qarankaasi lahaa ee Xildhibaannimo iyo calaamaddii Xisbigaas UDUB lahaa labadaasba waan wareejiey.Waxaan maanta (Shalay) Saxaafadda u caddaynayaa in aanay jirayn meel dambe oo aad igu timaaddaan oo UDUB ahi, laga bilaabo maanta (Shalay) waxaan ahay xubin ka mid ah KULMIYE.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur).

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland