Wasiirka Cukuse oo Si Qaawan u Weeraray Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro

Cukuse55Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa jawaab ka bixiyey eedaymo axsaabta mucaaradku Xukuumadda uu ka tirsan yahay ugu jeediyeen inay qorshaynayso muddo kordhin ay ku baajinayso qabsoomidda doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha Wakiillada oo wakhtiga loo muddeeyey ku beegan yahay daba-yaaqada sannadka dambe ee 2015-ka.

Md Cabdilaahi Maxamed Daahir waxa uu sheegay in aanay jirin doorasho wakhtigeeda dib uga dhacaysa isla markaana ay xukuumaddiisa ka go’an tahay in lagu qabto wakhtiga loo muddeeyey, haseyeeshee jawaabta uu ka bixiyey dhaliisha mucaaradka waxa u si gaar ah ugu bartilmaameedsaday Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo masuuliyiin xisbigiisa ka tirsani kaga dhawaajiyeen hadalka uu wasiir Cukuse u holladay ka-jawaabtiisa, waxaanu sidan ku sheegay mar uu warbaahinta ugu warramayey xafiiska.

DHEGAYSO HADALKA CUKUSE