Wasiirka Ciyaaraha Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Laba Hablood oo ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda

Hargeysa, (SLpost0- Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Cabdi Kaahin, ayaa xabsiga u taxaabay laba hablood oo ka mid ah shaqaalaha ka hawlgala wasaaradda toddobaadkan.

Sida ay tibaaxeen xogo kala duwan oo Jamhuuriya helay xalay, wasiir Axmed Cabdi Kaahin, ayaa xabsiga u taxaabay gabadh xoghayntiisa gaar ah oo la yidhaah Nuura Cumar iyo Naciima Maxamed Cabdillaahi oo ah Xoghaynta Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, kuwaasoo ku xidhan xarunta Ciidanka Dambi-baadhista CID-da ee Hargeysa.

Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambaysa xadhiga lagula kacay hawlwadeennada ka tirsan Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, balse sida xoguhu iftiimiyeen, labada hablood, ayaa xidhan muddo ka badan 48 saacadood oo aan wax maxkamad ah la horgayn.

Sida ku cad qodobka 27aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, qofka xoriyadda laga qaaday ee lagu eedeeyey fal-dambiyeed, waxa uu xaq u leeyahay in muddo 48 saac gudahood ah lagu horgeeyo maxkamad sharci ah, hasayeeshee, hawlwadeennada ka tirsan Wasaaradda Ciyaaraha, ayaa laga duudsiyey xaqaas dastuurku u damaanadqaaday, iyadoo aanay jirin wax maxkamad ah oo la horgeeyey.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Axmed Cabdi Kaahin, ayaa la sheegay inuu sababo shaki iyo tuhun la xidhiidha u xidhay labada hablood ee Xoghayntiisa gaarka ah ka mid tahay, lamana oga eedaymaha dhabta ah ee ay ku waayeen xoriyadooda iyo sababta loo horgayn waayey maxkamadda xadhigooda xalaalaysa sida uu waajibinayo dastuurka qaranku.

Source: Jamhuuriya