Wasiirka Ciyaaraha oo Xadhigga ka Jaray Dib-u-dhis Ballaadhan oo Dahabshiil ku Sameeyey Garoonka Kubadda Cagta Hargeysa

Baaxadda Dib-u-dhiska Garoonka lagu sameeyey iyo qorshe cusub oo Doog lagu gogli doono gegida Ciyaaraha

[H]argeysa (SLpost)- Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Cali Siciid Raygal, ayaa si rasmi ah xadhigga uga jaray shalay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Staduim oo ay dib-u-dhiskii ugu ballaadhnaa ku samaysay shirkadaha Dahabshiil Group.

Munaasibad loo sameeyey furitaanka dib-u-dhis iyo casriyeyn weyn oo Dahabshiil ku samaysay garoonka kubadda cagta Hargeysa, waxa ka qaybgalay xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka, Maamulaha guud ee shirkadaha Dahabshiil Group, Maareeyaha Wakaallada Biyaha Hargeysa, masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, salaadiin, culimo iyo marti sharaf kale.

Dib-u-dhiska shirkadda Dahabshiil ku samaysay garoonka oo socday in ku dhaw muddo sannad ah waxa dib loogu dhisay gebi ahaanba xayndaabka guud ee garoonka oo laba qabcadood oo ka mid ah lagu beddelay dhisme cusub, kaabadaha tarabuunka daawadayaasha oo dhammaantood laga dhisay shub, dayactir iyo dib-u-haybn lagu sameeyey qaybta madaxda iyo martida iyo weliba dib-u-casriyeyn lagu sameeyey qolalka lebbiska ciyaartoyga, musqulaha iyo xamaamyada maydhashada. Sidoo kale, waxa dib-u-dhiska iyo dayactirka shirkadda Dahabshiil ku samaysay garoonka Hargeysa Staduim ka mid ah dib-u-hagaajin lagu sameeyey goobta loogu talogalay ciyaartoyga kaydka ah iyo garsoorka iyo weliba dib-u-dhis lagu sameeyey siligga ku wareegsan ciyaarta ee gudaha garoonka.

Guddoomiyaha shirkadda Habboon Construction oo iyadu fulisay dib-u-dhiska garoonka Hargeysa Eng. Maxamed Cabdi oo ugu horreyn munaasibaddaasi ka hadlay, ayaa tafaasiil ka bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee hawshaasi soo martay iyo baaxadda wax-ka-beddelka iyo dib-u-hagaajinta shirkaddiisu ku samaysay garoonka, isagoo carrabka ku dhuftay in garoonku ku sugnaa xaalad aad u liidata iyo burbur baaxad leh, waxaannu si gaar ah u ammaanay shirkadaha Dahabshiil Group ee hantidooda ku dayactiray garoonka.

“Garoonku sida uu ahaa sawirrana waanu ka qaadnay dad badanina way garanayaan maalintii aannu bilownay, maanta sida uu yahayna waynu arkaynaa, garoonka aasaaskiisii hore waxa lagu dhisay iskaa wax-u-qabso oo Soomaali oo dhan ayaa isugu tagtay, iminka burburkii iyo dayacii ku yimi shirkaddaa Ilaahay waddankeena u soo diray ee Dahabshiil Group ayaa keligeed tunka u ridatay,” ayuu yidhi Eng. Maxamed.

Guddoomiyaha Shirkadda Habboon waxa uu wax ka tilmaamay meelaha dayactirka lagu sameeyey, waxaannu yidhi, “Kaabadaha tarabuunka ee lagu fadhiisto waxay markii hore ahaayeen dhagax iyo nuurada la isku dhisay, laakiin waxa noo suurtogashay oo shirkadda Dahabshiil u maalgelisay inay sabbad iyo garaa’id ka dhigto oo boqolaalkaa kaabadood ee kumanaanka qof fadhiisanayaan aannu shub ka dhignay. Labada xayndaab ee aan lahayn kaabadaha tarabuunka waanu duminay oo waxaannu ka soo bilownay seeska, qolalka lebbiska iyo suuliyada casri baa laga dhigay iyo meelo kale oo badan oo dib-u-dhis aannu ku samaynay.”

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), ayaa soo dhaweeyey dib-u-dhiska iyo dayactirka shirkadda Dahabshiil ku samaysay garoonka kubadda Cagta Hargeysa Staduim, isagoo xusay in shirkaddu door weyn oo muhiim ah kaga jirto guud ahaan horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

Md. Nac-nac waxa uu bulshada ugu baaqay, gaar ahaan xaafadda Axmed Dhagax ee garoonku yaal inay ilaaliyaan garoonka oo ah muunad qaranka oo dhami wada leeyahay.

Suldaan Cumar Sul. Maxamed Sul. Faarax oo xafladaa ka hadlay, ayaa isna ku ammaanay shirkadda Dahabshiil Group wax-ka-qabadkeeda garoonka kubadda cagta, waxaannu yidhi, “Waxqabadka shirkadda Dahabshiil ka qabatay garoonka aad buu uga duwan yahay waxyaabihii hore ee laga qabtay, waanu ka tayo iyo muuqaal fiican yahay, Ilaahay waxaannu uga baryeynaa in cawil-naqeeda uu ugu beddelo mid adduun iyo mid aakhiraba.”

Mr. Xasan Maxamed Cabdillaahi (Xasan Waraabe-cadde) oo ka mid ah dadka horumarka ciyaaraha Somaliland u dhaqdhaqaaqa ayaa isaguna dib-u-dhiska Dahabshiil ku samaysay garoonka ku tilmaamay kii ugu ballaadhaan ee lagu sameeyo. Sidaa waxa uu soo jeediyey in qaranku wada ilaashado si aannu tacabka la geliyey u noqon mid baaba’a.

Waxa kale oo Xasan Waraabe-cadde halkaasi kaga dhawaaqay qorshe isaga iyo dhallinyaro kale wadaan oo ay ku doonayaan in gegida ciyaaraha ee garoonka lagu goglo doog ama roogga adduunyadu ku ciyaarto.

Isagoo arrintaa faahfaahinayeyna waxa uu yidhi, “Anniga iyo dhallinyaro aannu wada joogno dalka Norway waxaannu isku daynay inta itaalkayaga ah in garoonka Hargeysa Staduim lagu beero doog ama la dhigo roog. Sidaa darteed waxaannu samaynay in munaasibbadaha xuska 18-ka May ee saddexdii sanno ee u dambeeyey oo ay ku jirto tan maanta aynu u dabbaaldegaynaa aannu tartan koob ay maalgeliso shirkadda Dahabshiil qaybteeda Norway ku qabano Norway in lacagta ka soo baxda aannu meel u dhigno roog lagu sameeyo garoonka. Ogaalkay lacagta aannu haynaa waa in kooban oo aan dhammaystiri karayn roogaasi. Anigu waxaan dhawaan tagay dalka Shiinaha oo aan u kuurgalay shirkado badan oo sameeya doogga macmalka ah (Artificial), waxaan soo ogaaday xaddiga kharashka ay ku sameeyaan. Markaa cawskii aan anigu is idhi wuu ku habboonyahay, waanad qaadi kartaan oo ah ka ugu hooseeya kharash ahaan marka la isku daro waxyaabaha gelaya oo ay ka mid yihiin xabag, shag la ridqayo iyo nuurada waxa isku geynta kharashkiisu tahay $42,000 (laba iyo afartan kun oo doollarka Maraykanka).”

Maareeyaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid hadal uu xafladda ka jeediyey waxa ku sheegay in dib-u-dhiska shirkaddiisu ku samaysay garoonku ahaa go’aan uu isagu qaatay kadib markii uu isagu indhihiisa ku arkay dayacii ka jiray, isla markaana uu ka mid yahay hawlaha waxbaqad ee ay dalka uga fuliyaan.

“Kubaddu waa wax ay ku nefisayaan dhallinyaradu, nabadda qudheeda way sii dhisaysaa marka garoonka si caddaalad ah loogu ciyaaro. Annagu haddii aannu shirkadda Dahabshiil nahay wax allaale iyo wixii bulshada wax u taraya in aannu ka qaybqaadanaa annaga ayey noo tahay wanaag oo ajar noogu jiraa. Runtiina markii hore garoonka aniga laftaydu maan ogayn baahida ka jirta laakiin markii aan idhahayga ku arkay ayaanu go’aansanay oo annaga ayey naga timi.

In aynu ilaashano oo garoonku maanta halka uu joogana laga sii hagaajiyo oo aynu hiigsano kuwa waaweyn ee caalamiga ah waa wax inoo sharaf ah, haddii la ilaalashado ayuun buu wax noqonayaa oo xil la iska saaro ilaa qofka ugu yar ee xaafada degan. Ganacsatada kale ama qurba-joogga cidii ka qaybqaadanaysa waanu soo dhawaynaynaa. Garoonkiina maanta laga bilaabo waa naga wareejis oo masuuliyadiisa waxaannu ku wareejinaynaa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, wax allaale iyo wixii kale ee aannu ka qaban karnana diyaar baanu u nahay,” ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid.

DAAWO SAWIRRADA (GUJI)

Waxa kale oo Maareeyaha Dahabshiil ballanqaaday in shirkadiisu diyaar u tahay wax-u-qabashada guud ahaan bulshada, waxaannu yidhi, “Mar walba Dahabshiil waxa uu diyaar u yahay wixii bulshada u dan ah ee shaqo-abuuris ah, waxbarasho, cusbitaalo, waddooyinka iyo wax allaale wixii kale ee baahiyo jira, ha nalagu ammaano ama ha nalagu maagee, waayo waxa ka muhiimsan ayaa wax qabanaya, cidii doonaysa in aannu dalka wax kala qabanana diyaar baanu u nahay ee nabaddana sii ilaalinaya, horumarkana sii hordhinaya.”

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Cali Siciid Raygal oo xafladaasi soo gunaanaday, ayaa waxqabadka iyo doorka ay ku leedahay bulshada shirkadda Dahabshiil awgeed ku tilmaamay mid ummadda reer Somaliland leeyihiin oo aanay cid gaar u ahayn.

“Garoonkani waa meelo soke ee wax allaale iyo waxaa bariij dalka ku yaal shirkadda Dahabshiil qaybta ugu badan ayey ka qaadatay, guud ahaan goobaha caafimaadka ha noqoto cusbitaal, MCH ama rugo caafimaad ee dalka laga hirgeliyey shirkaddu qaybta ugu weyn ayey ka soo qaadatay. Waxaad dhawaan arkayseen in toddoba jaamacadood oo waddanka ku yaal ayey dhismayaal iyo horumarin ay ku kordhinayaan mar qudha dhagax-dhigeen, dawladaha adduunyada caawiya ayaan intaa in le’eg mar keliya kuu samaynayn. Aad baan ugu mahadnaqayaa Dahabshiil oo aan leeyahay Ilaahay kun jeer ha idiin libinlaabo ajarka. Bulshaduna waa inay fahamtaa inay shirkadda iyagu leeyihiin oo aannu qof keliya lahayn, waayo caalamka miyaad aragteen nin wixiisa iskala ordaya oo leh waxaan idiinku qabto ma haysaan ama leh biriijyada, jaamacadaha, garoomada aan idiin dhiso? Jawaabtu waa maya.”

Md. Cali Siciid Raygal waxa uu shacabka ugu baaqay in la wada ilaaliyo garoonka, si aannu mar labaad u burburin dayactirka lagu sameeyey, isagoo si gaar ah farriintaasi ugu adkeeyey masuuliyiinta xaafadda ee ay ka mid yihiin Suldaan Cumar Sul. Maxamed iyo Xildhibaan Axmed Maxamed (Nac-nac) iyo bulshada la jaarka ah garoonka.

Munaasibbadaasi waxa kale oo ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mustafe Maxamed Qodax, Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Axmed Maxamuud Sheekh, Mareeyaha Wakaallada Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad iyo Oday Rayte oo ku hadlayey afka bulshada xaafadda Garoonku ku yaal ee Degmada Axmed Dhagax, kuwaas oo dhammaantood wax lagu farxo ku tilmaamay dib-u-dhiska iyo dayactirka shirkadaha Dahabshiil Group ku samaysay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Staduim, waxaannay ugu duceeyeen in Alle wax khayr leh ugu beddelo maalka ka galay, una barakeeyo.

Ugu dambayntiina waxa si wadajir ah xadhigga uga jaray dib-u-dhiska garoonka Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Cali Siciid Raygal iyo Maareeyaha guud ee shirkadaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net