Wasiirka Ciyaaraha Oo Lixdan Xubnood Oo Macalimiin iyo Garsooreyaal Ah Tabobar U Soo Xidhay

TabobareyaalHargeysa, (SLpost)- Wasiirka wasaarada ciyaaraha Somaliland Mudane Axmed Cabdi Kaahin ayaa tababar u soo xidhay lixdan xubnood oo isugu jira tobabarayaal iyo garsoorayaal, lixdankan xubnood oo ka kala socday  gobolada dalka ,iyada oo mihimka tobabarkoodani ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadooda aqooneed ee dhanka ciyaaraha.

Tababarkan loo qabtay tababarayaasha iyo garsoorayaasha ciyaaraha ee dalka ayaa waxaa iska kaashaday wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo xidhiidhka kubada cagta ee dalka Jabuuti iyo xidhiidhka kubada cagta ee Somaliland.

Waxaana xafladii xidhitaanka tababarkan ka soo qaybgalay wasiirka ciyaaraha Axmed Cabdi Kaahin ,Agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha Maxamad Xuseen Dhabeeye xoghayaha guud ee  xidhiidhka kubada cagta ee Jabuuti mudane Xasan Maxamad Kaamil.

Waxaa ugu horeyn madasha hadal ka soo jeediyay gudoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha Mudane Cabdilaahi Khayre Cawaale waxaanu yidhi “ xidhiidhka kubada cagta Somaliland waxa uu u baahan yahay oo uu muddo badana sugaayay sidii tababar loo siinlahaa tobabarayaasha iyo garsoorayaasha, oo dhab ahaanti ay tahay kubadeena cagtu meeshii ay ka dhaqaaqaysay ,waxa kale oo aan aad ugu hanbalyaynayaa xidhiidhka kubada cagta ee Jabuuti.”

Waxa kale oo isaguna xafladan loogu soo xidhaayay tobabarka  garsoorayaasha iyo tababarayaasha ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Mudane Maxamad Xuseen Dhabeeye waxaanu sheegay inay tahay markii ugu horeysay ee tababar intan le’egii uu ka qabsoomo dalka guud ahaantii  isaga oo arrimahaaska hadlaayana waxa uu yidhi “ciyaaruhu waa xirfad, xirfaduna waa ay isbadbadashaa oo sharcigeeda ayaa isbadala ,waxaana lagama maarmaana in lala socdo garsoorayaasha iyo tababarayaasha lana helo cid gacanta ku heysa oo lala xisaabtami karo ,arrinka labaad waxa weeyi maanta garsoorayaasheenu tababarka ay halkan ku qaateen waxa ay aheyd fursad dahabiya ILLAAHAY baanaynu uga mahad naqaynaa waxaanaynu aad iyo aad ugu aamaanayna uguna mahadnaqaynaa nimankii inoo yimi ee hawshaa inoo  fuliyay iyo in ala intii gacan ka gaysatay waanan hubaa oo natiijadii ka soo baxday tababarkan uun ba ka wasaarad ahaan ka xidhiidh ahaan dal ahaan ka aanu ku shaqaynaynee na anfacaya uu noqonaya.”

Waxa kale oo agaasimaha guud ee wasaarada ciyaruhu sheegay in aad looga cawdo garsoorka kubada cagta ee wasaarada ciyaaraha waxaanu yidhi isago arintaas faahfaahinaaya “ aadbaa maanta looga cawdaa garsoorkeena ,waxa laga cawdaa xirfadooda iyo aqoontooda ,waxa laga cawdaa diyaargarawgooda goboladsa Somaliland oo dhan markii aanu soo maray gobolkastaa waxaa uu ka cabanaayay garsoorayaasha sababtoo ah waxa ay sheegeen in garsoorayaashu kaliya ay yihiin uun reer Hargaysa laakiin maanta meel walba waanu isaga keenay

Waxaa kale oo uu sheegay inay caruurta Somaliland maanta ay badbaado u baahan yihiin meel xuna ay taagan yihiin loona baahan yahay sidii loo badbaadin laha da’yarta waxanu yidhi isaga oo ka hadlaaya “caruurta reer Somaliland waxa ay u baahan tahay maanta inla badbaadiyo ,meel xun ayay maanta taagan yihiin ilmaha yare e maanta shan iyo  toban jirka ah ilaa labaatan jirkiisa dhibaato badan ayaa haysata walidku kaliya waxaa uu ka fikiraya sidii uu ilmaha una dhargin laha waxna u bari laha laakin kama fikirayo sidii uu wakhtigiisa firaaqda ah uu u toosin lahaa ee uu u hagaajinlaha ,caruurtii garoomadii ayaa laga cunay waalaga dhexbaxay oo waa laga tagay waxanay noqdeen budhcad oo waalidkii dhalay ayay baadheen oo gidaarada u istaageen arintaasina waxa aan isleeyahay waxa ay ka dhalatay masuuliyad daro dadkii ay umadaasi ay igmatay anaguna waxaanu cadaynayna intii karaankayaga ah inaanu dadaalno ,tan iyo intii xukumadani  dhalatay wax badan baa laga qabtay dhinaca arimaha dhalinyarada inagana waxa laynooga baahan yahay inaynu wax kala qabano oo aynu dadaalo.”

Dhanka kale agaasimaha guud mudane Dhabeeye waxa uu fariin u diray dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya waxaanu yidhi “ waxaan halkan fariin uga dirayaa dalka aynu jaarka nahay ee hore laysugu keen odhan jiray Soomaaliya ee aynu labada wadan kala noqonay tababarka halkan ka furmay waxa uu ruxay Soomaaliya mudada shan iyo labaatanka sanno aheyd ee aynu kala maqnayn biilka ciyaaraha iyo kharashka ciyaaraha lagu bixiyaa tababarada lagu bixiyaa dadaalada caalamiga ah ee lala daba joogay ee fiilka ciyaaraha lagu dhisa waxaa uu ku koobnaa koonfurta Soomaaliya Xamarbaana lagu cuna oo Somaliland iyo dhulka kale ee Soomaalida ah toona waxba kama soo gaadhaan ,waxaanu cadaynaynaa maanta waa ay ka xanaaqeen ,waxaanu u sheegaynaa inaynu laba dal kala nahay waxaanu u sheegaynaa inaanan waxba u daba fadhiisanayn maanta waxaanu ku faraxsanahay albaabadii wax inaga soo galayeen waynu garaacnay waxanan filaynaa in laynaga furo mana jirto cidaan u daba fadhiisanayno oo ka Soomaaliya 1951 ayaa la diwaangaliyay keenana maanta ayaa la diwaangalinayaa.”

Wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha mudane Axmed Cabdi Kaahin ,oo ugu danbeyn halkaas hadal ka soo jeediyay ayaa ugu horeyn u mahadnaqay kooxda reer Jabuuti ee tababarka siinaysay garsoorayaasha iyo tababarayaasha ,sido kale waxa uu xusay inay wasaaradu barri ka maalin kula xisaabtami doonto tababarkaa la siiyay garsoorayaasha iyo tababarayaasha wax laydiin baray ee laydiin dhiibayna ay tahay cadaalad waanad ogtihiin cadaaladu qiimaha ay leedahay.”

Sidoo kale wasiirku waxa uu kula dardaarmay  oo uu sheegay in laga  rabo  tababarkan la siiyay in siduu yahay ay  uga soo baxdaan oo aad ku dabaqdaan shaqadiina isla markaana  hadhaw aad cidkale ku reebtaan.