Wasiirka Cadaaladda Zambia iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Socdaal ku yimi Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Caddaaladda dalka Zambia Mr. Gavin Lubinda iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta socdaal ku yimi magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Socdaalka Wasiirka Cadaaladda waddanka Koonfurta Afrika ku yaalla ee Zambia oo noqonaya kii ugu horreeyey ee masuul dalkaasi ka socdaa ku yimi Somaliland, waxa madaarka diyaaradaha ee Cigaal International Aiport ku qaabilay Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Liibaan Yuusuf Cismaan iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda.

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Liibaan Yuusuf oo u warramay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxa uu tilmaamay in weftiga Wasiirka Zambia ay kulamo yeelan doonaan masuuliyiinta Xukuumadda, isla markaana ay Salaasadda Berri la kulmi doonaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiir Liibaan Cismaan waxa uu xusay inay wadajir uga wada hadli doonaan iskaashiga iyo xidhiidh ugub ah oo labada waddan u bilaabmi doona.

Wasiirka Caddaaladda ee Zambia Mr. Gavin Lubinda waxa uu hore u ahaan jiray Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda dalkaas, waxaanu noqonayaa dalkii labaad ee ku yaalla Koonfurta Qaaradda Afrika ee wefti heer wasiir ah u soo dira Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Malawi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa badhtamaha bishii Demcember 2020 socdaal ku yimi magaalada Hargeysa, waxaanay kulan wada-yeesheen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo qasriga madaxtooyada ku qaabilay.

Socdaalka ay weftiga Zambia ku yimaaddeen caasimadda dalka, ayaa qayb ah olole xukuumadda madaxweyne Biixi ugu jirta inay qaadiyadda madax-bannaanida Somaliland ku gaadhsiiso waddamada Afrika, gaar ahaan dalalka Koonfurta Qaaradda Afrika.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net