Wasiirka Cadaaladda oo Meesha ka saaray Faro-gelin lagu hayo Madax-bannaanida Waaxda Garsoorka

Xuseen Axmed Caydiid

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa maanta jawaabo ka bixiyay Eedaymo kala duwan oo isaga iyo Madaxweyne  Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo loogu soo jeediyay Gudi Wasiiro ah oo dhawaan uu Madaxweynuhu u xil saaray inay Warbixino ka keenaa cabashooyinka Garsoorka.

Wasiirka oo daba socday Xog waran uu Wargaysyada Ogaal iyo Waaheen uu siiyay Gudoomiyaha Gudi hoosaadka Shuruucda iyo Xuquuqul iinsaanka ee Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Cismaan Caalin “C.raxmaan dheere” oo hadalkiisa ku saleeyay in Gudidaas uu Madaxweynuhu magacaabay ay meel ka dhac ku tahay Madax banaanida Garsoorka.

Xuseen Axmed Caydiid

Mudane Xuseen Axmed Caydiid waxa uu si qoto dheer u sharaxay sida uu distoorka qaranku u Qeexay Madax banaanida Garsoorka, waxaanu sheegay in ay dhinaca kale jirto dariiq sharci oo lagula xisaabtami karo xadgudubyada lagga tirsado bah’da garsoorka,isagoo soo qaatay qodobo ka mid ah distoorka Qaranka oo arrintaas u xalaalaynaya ,waxaanu intaas ku daray in Waaxda Garsoorku ay hawlaheeda u fulinayso si waafaqsan distoorka dalka iyadoo ka madax banaan Waaxyaha kale ee Qaranka.

Wasiirka Wasaarada Cadaaladu waxa uu meesha ka saaray wax fara galin ah oo Xukuumadu ku hayso hay’adaha Garsoorka,waxaanu sheegay in hadii ay taasi jirto ay badan lahaayeen dacwadaha dadweynaha dhexdooda ka jira ,isagoo xusay in dacwadaha ay maxkamaduhu ka garnaqaan ay 95% yihiin kuwo u dhexeeya dadweynaha  .

Wasiirku cadaaladu waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu shakhsi ahaan uu doonayo in la hoos keeno Wasaaradiisa Waaxda Garsoorka oo ka madax banaan Fulinta,waxaanu intaas ku ladhay in isagu uu garsoorka ku wareejiyey mashruuca maxkamadaha wareega oo hortii Wasaaraddu maamuli jirtey,iyo in Mushaharka Garsoorayaashu ay la sinmaan golayaasha qaranka.

Wasiirku waxa uu ku dooday in Cabashooyinka Ciqaabta ah ee soo gaadha Maxkamaduhu ay yaraadeen ,taasoo ka dhalatay sida uu sheegay Wasaaradda oo warbixin bille ah ka hesha xabsiyada wadanka,isla markaana ku baraarujisa maxkamadaha dadka ku jira jeelasha ee aan helin xaqii ay u lahaayeen in la hor keeno garsoorka si kiiskooda go’aan looga gaadho.

Wasiirka cadaalada Somaliland sidoo kale waxa uu ka hadlay madaxbanaanida garsoorka isaga oo xusay in madaxbanaanida garsoorku aanay madaxweynaha  ka hor istaagayn inuu la xisaabtamo bahda garsoorka .

Wasiirka oo ka jawaabayay canbaaraynta uu Xildhibaan C.raxmaan Cismaan Caalin u soo jeediyay ee ku saabsan inuu dusha ku qaatay hawlihii garsoorka waxa uu iftiimiyay in Xildhibaankani uu si toos ah uga mas’uul yahay tayo-xumida ku dhacday Guddida Cadaaladda, ee keeni karta sida uu sheegay  xil-gudasho la’aanta Guddidaas,waxaanu intaas ku daray in Guddoomiyihii Guddi-Hoosaaddii Golaha Wakiillada ee xubnaha u soo xushay Guddida Cadaalada uu  saamayn weyn ku lahaa soo-xulidda xubno aan buuxin shuruudihii dastuurku u dhigay.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net