Wasiirka Cadaaladda JSL oo markii labaad Shaqo-fadhiisin, Isku beddel iyo Magacaabis ku fuliyey Qaar ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadaha Dalka

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Somaliland ayaa maanta shaqadii garsoore-nimo ee ay hayeen ka  saaray 11 Garsoore oo ka kala tirsan gobollada Maroodijeex, Togdheer iyo Awdal , waxaanu isku beddel ku sameeyey  lix garsoore halka uu sidoo kale ku magacaabay shan garsoore oo cusub.

Warsaxaafadeedka  uu ku saxeexan yahay wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid isla markaana lagu sheegay in lagu fuliyey go’aan ay isla gaadheen guddiga cadaaladda Somaliland ayaa u dhignaa sidan:

“Wasaaradda Cadaaladda ee Somaliland, iyada oo Cuskanaysa Qodobka 106aad ee Dastuurka Qaranka Farqadiisa 1aad, kaas oo qeexaya inay wasaaradda cadaaladdu u xilsaaran tahay fulinta Go’aannada Gudiga Cadaaladda.

Sidaas darteed, waxaanu halkan faafinaynaa go’aanka lambarkiisu yahay MS/GGC/G-3/08/2011 ee 22/12/2011.

WAXAY GO’AAMISAY

Qodobka 1aad: SHAQO KA SAARID:

Waxa shaqadii garsoorka laga saaray Garsoorayaasha hoos ku qoran:

  1. Siciid Yuusuf Cabdi oo ahaa Garsoore Maxkamadda Goboka Hargeysa
  2. Sh. Faarax Nuur Maxamed oo ahaa Garsoore Maxkamadda Gonolka Hargeysa.
  3. Ismaaciil Jaamac Diiriye oo ahaa Garsoore Maxkamadda Gobolka Hargeysa
  4. Aadan X. Maxamed Cawaale oo ahaa Garsoore Max. Racfaanka G. Togdheer
  5. Cismaan Tarabi Darwiish oo ahaa Garsoore Maxkamada Gobolka Togdheer
  6. Sh. Nuur Faarax Jaamac oo ahaa Garsoore Maxkamadda G/Togdheer
  7. Saalax Caydiid Ducaale oo ahaa Garsoore Maxkamadda G/Togdheer
  8. Maxamed Cumar Cali oo ahaa Garsoore Maxkamadda G/Togdheer.
  9. Cabdi Cawl Maxamed oo ahaa Garsoore Maxkamadda G/Awdal
  10. C/raxmaan Cali Maxamed oo ahaa Garsoore  Maxkamadda Racfaanka G/Awdal
  11. Khadar Xasan Maxamed oo ahaa Garsoore Maxkamadda G/Awdal

Qodobka 2aad: BEDDEL GARSOOREYAAL

  1. Sahal Cabdilaahi Xirsi oo ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda Racfaanka G/Saaxil waxa loo beddelay Garsaare maxkamadda Racfaanka Gobolka Hargeysa.
  2. Cismaan Ibraahim Daahir, oo ahaa Gudd. Maxkamadda G/Saaxil waxa loo beddelay Garsoore Maxkamadda G/Hargeysa.
  3. Aadan Jaamac Saleebaan, oo ahaa Gud. Maxkamadda G/Sanaag waxa loo beddelay Garsoore Maxkamadda Racfaanka G/Sanaag.
  4. Xamse Cabdilaahi Xirsi, oo ahaa Gud. Maxkamadda Degmada Berbera waxa loo beddelay Garsoore Maxkamadda G/Saaxil.
  5. Axmed Aadan Mire, oo ahaa Gudd. Maxkamadda Degmada Burco waxa loo beddelay Maxkamadda Degmada Hargeysa.

Qodobka 3aad: MAGACAABIS GARSOORAYAAL

  1. Cabdiraxmaan Xandulle Xuseen, waxa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Degmada Berbera.
  2. Jamaal Axmed Maxamuud (Cagaweyne), waxa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Gobolka Saaxil.
  3. Xuseen Maxamuud Fadal, waxa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Gobolka Hargeysa.
  4. Jamaal Xuseen Axmed, waxa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda G/Hargeysa.
  5. Xuseen Maxamed Jaamac (Balal), waxa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Gobolka
  6. Hargeysa.

Xuseen Axmed Caydiid

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda JSL”

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net