Wasiirka Caafimaadka oo Xilka ka qaaday Agaasimihii Cusbitaalka Guud ee Hargeysa

Dr Xuseen Xoog

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuseen-Xoog)  ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Guud ee Cusbitaalka magaalada Hargeysa  Dr. Maxamed Axmed (Carabayte) oo muddooyinkii u dambeysay  ahaa Agaasimaha Cusbitaalka Hargeysa.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland

War kooban oo wasiirka Caafimaadku warbaahinta siiyay ayuu ku sababeeyey tallaabada xil-ka-qaadista Agaasime Carabyto oo sheegay in shaqadii cusbitaalku fadhiisatay loona baahan yahay in la derder-galiyo baahida Cusbitaalka Hargeysa, waxaanu wasiirku ku dooday inuu sharcigu u bannaynayo inuu xil-ka-qaadis ku sameeyo agaasimaha cusbitaalka Guud.

Agaasimaha Xilka laga qaaday

Muddooyinkii ugu dambeeyay, waxa jiray khilaaf soo kala dhex galay masuuliyiinta ugu sarraysay  wasaaradda Caafimaadka Somaliland, sida Agaasimaha Cusbitaalka iyo wasiirka Caafimaadka kaas o salka ku haya is-maandhaaf ka dhashay hawlaha iyo adeegyada caafimaad ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa iyo masuuliyiinta wasaaradad Caafimaadka oo ay ku jirto wasiir ku xigeenka Wasaaradda caafimaadka Somaliland.