Wasiirka Caafimaadka oo Waalidka Carruurtooda u diida Tallaalka Cudurka Dabaysha ugu hanjabay in sharciga lala tiigsan doono

Hargeysa  (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Xaafimaadka Somaliland Dr Xuseen Maxamuud (Xuseen-Xoog),  ayaa ugu hanjabay Waalidiinta in xukuumaddu sharciga horgeyn doonto Haddii ay Carruurtooda  ka horjoogsadaan inay qaataan tallaalka lagu dabar-goynayo Cudurka Dabaysha.

Dr. Xoog waxa uu hadalkan ka sheegay munaasibad  loo qabtay bilowga tallaalka carruurta oo maalinta berri ah ka bilaabmaya  guud ahaan dalka oo dhan, waxaana uu sheegay inkastoo Somaliland aanu ka jirin Cudurka Dabayshu haddana ay qaadayaan tallaabo kasta  oo lagu xakamaynayo fiditaanka cudurkaas, maadaama oo la sheegay in cudurka lagu arkay dalalka mandaqadda.

“Ubadka marka koowaad caafimaadkooda waalidkaa ka masuul ah, cidda caafimaadkooda ka masuulka  ah ee uga dambaysaa waa dawlad, waxa la abaalmarin doonaa si dhakhso ah waalid kasta oo ilmihiisa tallaalka u diida, waanu soo saari doonaa taas, sharci baanu ku qaadi doonaa, waana la abaal marin  doonaa waalidka garan waaya waajibka kaga aadan ubadkiisa. Waxa kaloo dhici doonta wakhti aan fogayn Insha Allah  in ilma kasta oo aan sidan kaadhkii tallaalka in aan dugsiyada la qorin,” ayuu yidhi Wasiirka  caafimaadka Somaliland.

Waxa kale oo iyana munaasibadaas ka hadashay madaxa hay’ada Caafimaadka adduunka WHO ee Somaliland  Marwo Aasiya Cismaan oo sheegtay in  tallaalka  carruurta oo dalka laga bilaabay sannadkii 1997-kii lagu guulaystay  in  la dabargooyo cuddurkaas, ilaa wakhtiganna aan calaamadihiisa lagu arag Somaliland.

SLpost News/Hargeysa