Wasiirka Caafimaadka oo Sheegay in uu Shaqadiisa Qaran Wadanayo Xisbi uu Ku Biirayaana aannu Jirin

Hargeysa(SLpost) Dr Saleebaan Ciise Axmed “Xaglotoosiye”, Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa markii u horaysay sheegay inaanay wakhtigan ku jirin han madaxweyne xigeen, kadib markii muddooyinkii u dambeeyay la hadal hayay inuu ka tartami doono xisbiyada Mucaaradka ah.

 

Waxa uu balanqaaday inuu inta xukumaddan u hadhay la shaqayn doono, islamarkaana dadka iyo dalka u shaqayn doono. wuxuu sidoo kale sheegay inay wax ka qabanayaan baahiyaha ka jira cisbitaalka Berbera oo muddo ka hor hay’ad gacanta ku haysay ka tagtay.

 

Wasiirka ayaa ka soo laabtay magaalada Nairobi oo uu u tagay hawlo shaqo isaga iyo masuuliyiin kale oo xukumadda ka tirsan

 

https://youtu.be/HedEEcnKisQ