Wasiirka Caafimaadka oo Sheegay in aannu Saacad ka Dambayn Haddii Fu’aad Aadan Cadde ka Tago Somaliland

Lad-qabayntii Xaglo-toosiye iyo wefti la socday Fu’aad Aadan Cadde ku keeneen Burco + hadalo hiil cadho ku ladhan tahay ah oo ka soo baxay wasiirka caafimaadka

Burco (SLpost)- La-taliyaha Madaxweyanaha Somaliland ee arrimaha bulshada Md. Fu’aad Aadan Cadde oo cadho iyo tabashooyin uu tirsanayo u tagay degaanka Xudun ee Gobolka Sool, ayaa hadda jooga magaalada Burco, kadib markii Wasiirka Caafimaadka Md. Saleebaan Xaglo-toosiye iyo wefti uu hoggaaminayey ku lad-qabeeyeen in aannu u tallaabin dhinaca maamul-goboleedka Puntland, wixii uu tabanayana kala hadlo dawladda Somaliland.

Fuaad-Aadan-CaddeMaamulka Dawladda Hoose ee Burco, ayaa qado-sharaf ugu sameeyey hudheelka City Plaza weftigan uu  watay Wasiirka  Caafimaadka Somaliland Md Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo ay xubno ka ahaayeen Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Degaanka Md. Cabdirashiid  Qambi  iyo Oday Kalaash,  isla markaana uu wehelinayo siyaasiga Fu’aad Aadan Cadde, qado-sharaftaas oo sidoo kale ay goob-joog ka ahaayeen waxgaradka iyo madax-dhaqameedka Gobolka Togdheer.

Md. Fu’aad Aadan Cadde oo magaalada Burco ugu warramay wargeyska Jamhuuriya, HCTV iyo Tv-ga Qaranka, ayaa sheegay in aannu weligii niyadiisa gelin inuu ka tago Somaliland, isla markaana wararka la xidhiidhay inuu u tallaabayo Puntland ahaayeen qaar malo-awaal ah oo aan run ahayn.

“Warka la faafiyey waa malo awal been ah, weligayna niyadda maangalin in aan Somaliland ka tago, waxa keliya ee iga kaxeeyaa waa xabaal,” ayuu yidhi Fu’aad Aadan Cadde, isagoo xusay inuu in muddo ah ku sugnaa magaalada Xudun oo dhulka Somaliland ka mid ah, ciidanka qarankuna fadhiisin ku leeyahay, balse aannu meel kale ka tagin Somaliland.

Mr. Fu’aad Aadan Cadde oo la weydiiyey waxyaabaha ay ka wadahadleen siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo xidhiidh dhinaca telefoonka ah dhexmaray iyo saamaynta maamulka uu samaystay ku yeelan karo Somaliland, waxa uu yidhi; “Horta Cali Khaliif Galaydh waa nin aannu saaxib ahayn, waayo badana isla soo marnay. Maalin ka hor intaan loo dooran madaxweynaha ayuu ila soo hadlay oo ii sheegay in la dooranayo, waxaanna lagu khasbay in aannu siddii Taleex yeelin ee uu bulshada dhex joogo, balse Cali Khaliif Galaydh, maan fileyn inuu reer keliya madax u noqdo, siddii hoggaamiyeyaashii jabhadaha. Cali Khaliif waa nin weyn oo aqoon badan leh, balse aannan ka filayn inuu dagaal iyo colaad huriyo, laakiin aan ka filayo inuu Somaliland ka raadin doono xaquuqda 23 sanno naga maqnayd, meesha keliya ee uu madaxweyne ka noqon karaana waa Somaliland.”

Waxa mar kale Fu’aad Aadan Cadde ka jawaabay su’aal laga weydiiyey waxa qaabka weftiga Wasiir Xagla-toosiye ugu lad-qabeeyey inuu dib u soo laabto, waxa uu yidhi; “Waxay igu soo kaxeeyeen xoog oo wasiirku (Xaglo-toosiye) wuu ii laan-dheere sheegtay, isagoo ii kaashaday Cabdirashiid Qambi iyo Oday Kalaash, aniguna waxaan idhi ‘hadaad iga soo kaxayseen Xudun, i dhaafin maysaan Burco, oo halkanaan joogayaa maalmahan.”

Geesta kale, Wasiirka caafimaadka Md. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo ka hadlay kulanka qado-shaafta ah ee loogu sameeyey Burco shalay, ayaa sheegay in Fu’aad Aadan Cadde cadho u joogay degaanka Xudun, isla markaana aanay jirin cid u dirtay iyo qof la ogaa hawsha uu u galay inuu soo lad-qabeeyo.

“Markaan SSC ahaa ee wadahadaladu noo socdeen Somaliland ee aan maqnaa waa la i jeclaa oo waa la i buun-buunin jiray, markaan Somaliland ku biirayna waxa la i ag dhigay halka raggii hore reer Sool iyo Buuhoodle yaaleen oo xataa maanta oo aan wasiir ahay waxa la iga door bidayaa nin maqan, halka ka jooga awood loo samayn lahaa oo isagu ka maqan raadin lahaa, waxna ka qaban lahaa degaannadooda. Maanta Fu’aad Aadan Cadde oo 23 sanno joogay Somaliland, waxa uu diiday waan la qabaa annigu, waan ugu hiilinayaa, hadduu ku tago Somaliland, anniguna saacad ka damayn maayo, meesha Fu’aad ka tegay maxaa ii yaal. Reer Burco waan idiin keenay Fu’aad Aadan Cadde, idinkana ayaanan idinku ogahay,” ayuu yidhi Xaglo-toosiye.

Wasiir Xaglo-toosiye oo hadal dheer oo dhinacyo badan ka jeediyey kulanka qado-sharafta ah ee Burco loogu sameeyey, ayaa si dareen ku jiro u sheegay inuu garab taagan yahay Fu’aad Aadan Cadde, lana qabo tabashooyinkiisa, isagoo tilmaamay in doonista iyo soo celintiisa aannu madaxweynuhu ogayn, cidiina u dirin, balse uu kelidii go’aansaday inuu soo lad-qabeeyo, sababtoo ah ayuu yidhi; “Fu’aad Aadan Cadde waa tiir dhexaad isku hayey degaanadayada iyo Somaliland, mana jiro nin annaga ah oo ku dherersan kara.”